Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Arin Ay Ka Qayliyeen Shacabku Ku Tilmaamay Horumar.

0
Friday March 05, 2021 - 10:51:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Arin Ay Ka Qayliyeen Shacabku Ku Tilmaamay Horumar.

    "Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Noqday Masuul Aan Ka Warhayn Shacabka Uu XIlka Uhayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Noqday Masuul Aan Ka Warhayn Shacabka Uu XIlka Uhayo"

Hargeysa-(HWN)- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in saacaddihii ay dhawaan macaamiishooda ku amreen in ay iibsadaan ay qayb ka tahaya koboca iyo horumarinta Wakaaladda.

 

Maareeye Daarood, waxa uu ka dhawaajiyey in dadka ka cabanaya qiimaha ay laba dariiqo u fursan yihiin "Barnaamijka Saacaddaha ee Wakaaladda Biyuhu waxa uu qayb ka yahay koboca iyo horumarka ay samaynayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Baahida keentayna, waxa weeye saacaddihii dalka iman jiray oo aanay tayadoodu fiicnayn, oo dhibaato badan ka dhex sababi jiray macmiilka iyo Wakaaladda Biyaha, markaa waxa weeye in shaqadaas la casriyeeyo oo ay hore u socoto, oo khaladaadkii fara badnaa ee dhici jiray la yareeyo” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo u warramayey Telefishanka Bulsho TV.

 

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: "Doodda ugu badan ee soo noq noqonaysay waxay khusaysay xagga qiimaha, marka qiimaha laga hadlayo dadka laba ayaa u fursan, qofkii awooddaa inuu hal mar bixiyo, qofkii kale ee aan awoodina biilkiisa muddo billo ah loogu qaybiyo oo kolba sidii uu u awooddo uu u bixiyo.”.

 

Arinkan uu maareeyuhu ku tilmaamay horumar ayay shacab badan oo ku nool caasimada Somaliland ee Hargaysa oon helin biyo nadiifi, ay ku tilmaameen mid aanay awoodin xiligan oo ay nolasha shacabku cidhiidhi ku jirto, waxaanu muujinayaa hadalka maareeye  Daarood in aanu ka warhayn duruufta shacabka uu xilka u hayo.


Loading...
Loading...