Maxaa Sababay In Masuuliyiinta Xukuumada Muuse Biixi Ay Xilalka Iskaga Casilaan Kuraasi Aanay Hubin Inay Ku Soo Baxaan?

0
Thursday March 04, 2021 - 21:15:34 in News by
  • Visits: 1851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay In Masuuliyiinta Xukuumada Muuse Biixi Ay Xilalka Iskaga Casilaan Kuraasi Aanay Hubin Inay Ku Soo Baxaan?

    Maxaa Sababay In Masuuliyiinta Xukuumada Muuse Biixi Ay Xilalka Iskaga Casilaan Kuraasi Aanay Hubin Inay Ku Soo Baxaan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay In Masuuliyiinta Xukuumada Muuse Biixi Ay Xilalka Iskaga Casilaan Kuraasi Aanay Hubin Inay Ku Soo Baxaan?


Hargeysa(HWN):-Waxa sii kordhaya masuuliyiinta iska casilaya xukuumada Muuse Biixi ee doonaya inay ka qayb galaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada.
May be an image of Sacad Cali Kaahin Balaaki



sababta ugu weyn ee ay masuuliyiinta tirada badani iskaga casilayaan xukuumada Muuse Biixi isla markaana ay u raadsanayaan xilal aanay hubin ku soo bixisteeda ayaa keentay su,aalo tiro badan oo layska waydiinayo.

Xoghaye ku xigeenka amniga ee xisbiga Waddani Sacad Cali Kaahin(Balaaki) oo ka hadlay iscasilaada tirada badan ee xukuumada ayaa soo bandhigay sababaha loo aanayn karo masuuliyiinta kadinka boobay ee sida joogtada ah uga dareeraya xukuumada Muuse Biixi.

xoghaye Sacad Balaaki ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi "Marka aad eegto masuliiyinta tirada badan ee xukumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi xilalka ka hayay ee iscasilay ee xilkii ay hayeen ka door bidiay xil gacan uur kujirta ah oo inay soo bixi doonaan iyo in kale aanay kala ogayn, musharixiinta noqday.

Waxay markhaati u tahay in ay hogaaminta Madaxwayne Muuse dadka Reer Somaliand meel ka wada arkaan mid la joogay iyo mid kasoo horjeedaba sidaa daraadeed waxaad dareemi kartaa in xataa kuwii ka ag dhawaa aanay ku qanacsanayn oo ay meel ay ku nefisaan ay raadinayaeen, waayo dee horay ayay Somalidu ugu maahmaah,day oo ay tidhi" ninka faraska dabadiisa ka degay meel u dhaanta ayuu waayay" sidookale hadaad maqli jirtay midho geed saaran midho guntigaaga kujira looma qubo" dee waataa maanta,ba ay u qubeen masuliiyintaasi,
kolay hadhaw ayay warami doonaane bal hala dhawro war wuu dambeeyay,e sida mucaarad ku wax u arkayaan ayuun bay u arkayeene waanay hadali karaynin uune
Waar saw iyagaaba cabudhsanaa kuwaynu tuhmaynay,e ee aynu lahyn xilal baa lagu taxay saw niman cadiban ayay ahaayeen oo meel qabaw oo bilaa canaan ah raadinaya


Loading...
Loading...