Xoghayaha Guud Ee Midowga Ardeyda Soomaaliyeed Ee Sudaan.

0
Wednesday March 03, 2021 - 20:10:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Midowga Ardeyda Soomaaliyeed Ee Sudaan.

    W/Q: Abubakar Muse Yasin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abubakar Muse Yasin.

Cabdifataax Ciise Xaashi Waa Xoghayaha Midawga Ardayda Somaliyeed Ee Sudaan,  Waana Mid Kamid ah  Shakhsiyaadka ugu Saamaynta Badan Ardeyda Dhaxdooda, Halka Uu Noqday Xoghayihii ugu Wanaagsanaa Midowgu Tan Iyo Markii La Aasaasay midawga ardeyda Soomaaliyeed Ee Sudaan, Sanadku Markuu ahaa1976.

 

SOOYALKIISA WAX BARASHO :

 

Cabdifataax Ciise  Waxa Uu ku Dhashay Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud Sanadkii 1995kii Wuxuu Ku Qaatay Waxbarashadiisa Hoose, Dhexe  Dugsiga (Alfurqaan Islamic school) Oo ku yaala

Badhtamaha Magaalada Hargeysa, Dugsiga Sarena Wuxuu Kuqaatay Dugsiyada Kala Ah, Axmed gurey iyo Dugsiga Hayaaan Ee Magaalada Muqdisho.

 

 Cabdifataax Waxa Uu Hogaan Iyo Xubnaba Kasoo Noqday Madalo Iyo Ururo Ka jiray Gobolka Banaadir, Waxa uu Safar Wax Barasho U Tagay Dabayaaqadii sanadkii 2016 Dalka Suudaan, Gaar Ahaan Caasimada Khartuum Wuxuuna  Bartaa Kuliyada Cilmiga Beeraha Ee Jaamacada (INTERNATIONAL UNIVERSITY Of AFRICA).

 

Wuxuu Kaloo Soo Noqday Madaxii Arimaha Dibadda Ee  Isku Xidhka Ardayda Soomaaliyeed Ee Jaamacada (IUA) Sanadku Markuu Ahaa

2019 Ilaa 2020 Halka Haatan Uu Xubin Ka Yahay Hogaanka Madasha Akhristayaasha Halgan Iyo Hiigsi.

 

waa xoghayaha cusub ee loo doortay ururka midawga ardayda soomaaliyeed ee wadanka sudan.

 

C.fataax waa aqoonyahan karti dadnimo dulqaad  alle ku manaystay,  waa shakhsi dedaal iyo xurmo badan,

Waa arday ugu firfircoon ardayda kana soo bixi kara xilka loo igmaday

 

Alle Waxaan uga Baryeynaa Inuu Xilkan Loo Igmaday Ku Asturo, Kana Dhigo Midkii Guul U Horseeda Guud Ahaan Ardeyda Soomaaliyeed Ee Sudaan Wax Ka Barata.

 

W/Q: Abubakar Muse Yasin.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...