'' Xishmadda Iyo Karaamaddu Xil Iyo Xoolo Midna Kuma Xidhna ''.

0
Wednesday March 03, 2021 - 19:59:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xishmadda Iyo Karaamaddu Xil Iyo Xoolo Midna Kuma Xidhna ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Shalay subaxnimadii markii aan tagey Berbera oo in aan gudaheeda shaah ka cabaa ay iigu dambaysay 2014 , markii aan sidaa uga degey baabuurkaba waxaa judhiiba i gartay oo isoo dhaweeyey shaqaalihii xafiiskii aan u socday oo marka lagga rabo hal qof aanan mid qudha ka garanaynin halka iyaggu dhamaantood ay iga garanayeen .



Xafiiskii markii aan ka tagey waxaan u kacay geesta Barri ee Magaaladda anoo raacey wadada Dhakhtarka Barri uga baxda cabaar markaan socday ayaa waxaa iga hor yimi laba wiil oo dhalinyaro ah , si xishmadle ayay ii joojiyeen iina salaameen salaan iyo is waraysi ka dib waxay iga codsadeen in aanu kulano waqtiga oo igu yaraa awgeedna waan ka cudur daartay .


Intaa ka dib waxaan tagey Hoteelka Xayaat ee isla Magaaladda Berbera ,Hoteelkaasna waxaa isna sidii si la eeg iigu soo dhawaysay dhalinyaro badan oo aanan aqoonin hassa yeeshee iyagu i garanayay .


Hoteel Xayaat markii  aan ka dhamaystay hawshii aan u socday waxaan iska marmaray shaaracyadda Berbera , waddo kasta oo aan marana qof baa igu joojinayay iguna salaamayay , dhamaan asxaabtaasina iyaga ayuun baa i garanayay .


Akhriste waxaan is waydiiyey Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliland ee xilka hayay 15 Sanadood intee baa tolay Dhalinyarada Berbera muuqooda iyo Magacyadooda taqaanaa , haba yaqaaniine intee bay siday iisoo dhaweeyeen oo kale ay usoo dhawayn lahayeen hadii ay shalay ku arki lahaayeen Berbera dhexdeeda , Xishmadda iyo karaamaddu Xil iyo Xoolo midna kuma xidhna .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...