Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyay In Qabyaalada Laga Dheeraado Xili Muuse Biixi Qabiil Wax Ku Qaybiyo.

0
Monday March 01, 2021 - 09:09:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyay In Qabyaalada Laga Dheeraado Xili Muuse Biixi Qabiil Wax Ku Qaybiyo.

    "Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi sheegay in qoladii uu odaygu u ahaa markii ay guulaysatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi sheegay in qoladii uu odaygu u ahaa markii ay guulaysatay"

Hargeysa (HWN) – Golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaaladda guud ee dalka, kaas oo ka mid ahaa qodobada ajandaha kal-fadhigooda 74aad oo ay golahaasi falan-qayntiisa ku jiraan.

 

Fadhigaas oo ushirgudoomiyaayay gudoomiyha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan ayay xildhibaanadii doodaas ka qayb-qaadanaayay sheegeen in xaaladda guud ee nabadgelyada Somaliland ay fiican tahay, loona baahan yahay in shacabku sii xaaojiyaan la shaqaynta laamaha amaanka ee dalka,.

 

Dhinaca kale mudanayaasha golaa waxay ka doodeen dhibaatada ay qabyaaladu ku yeelan karto horumarka dalka, waxaanay guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ka dheeraadaan adeegsiga qabyaalada, maadaama oo uu dalku galay xaalad doorasho, lana rabo in la soo doorto goleyaal ka shaqeeya horumarka iyo samaynta shuruuc qaranka wax tar u yeelata.




Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi sheegay in qoladii uu odaygu u ahaa markii ay guulaysatay, qolyihii kale ay u arkeen in laga xargo qaatay.


Hadalkan ayuu Muuse Biixi ka sheegay mar uu la hadlay shacab uu kula kulmay deegaanka Agabar ee ay degaan qabiilka Muuse Biixi.

Loading...
Loading...