"Qofkii Igu Nacaya Iyo Kii Igu Jeclaanayaba Waxaan Aaminsanahay Soomaalida Geeska Afrika makala Maarmi Karto"Siyaasi Ismaaciil Buubaa

0
Saturday February 27, 2021 - 17:24:01 in News by
  • Visits: 1783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Qofkii Igu Nacaya Iyo Kii Igu Jeclaanayaba Waxaan Aaminsanahay Soomaalida Geeska Afrika makala Maarmi Karto"Siyaasi Ismaaciil Buubaa

    "Qofkii Igu Nacaya Iyo Kii Igu Jeclaanayaba Waxaan Aaminsanahay Soomaalida Geeska Afrika makala Maarmi Karto"Siyaasi Ismaaciil Buubaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qofkii Igu Nacaya Iyo Kii Igu Jeclaanayaba Waxaan Aaminsanahay Soomaalida Geeska Afrika makala Maarmi Karto"Siyaasi Ismaaciil Buubaa

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey inuu aaminsan yahay fikrad midaynaysa soomaalida ku dhaqan geeska Afrika ee kala dawladaha duwan wakhtigan.
Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Xidhiidh Uu Sucuudigu Somaliland La Yeesho [Ka Eeg Gudaha]



siyaasi Ismaaciil Buubaa oo magaalada Hargeysa ku sugan ayaa telefishanka Eryal oo uu u waramay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Anigu waxaan aaminsanahay inaanay dadka soomaaliyeed kala tagi karin, siyaasada geeska Afrikana waxay ku soo ururaysaa in qoomiyaduhu wax wada qabsadaan oo dhexdoodana ay heshiiyaan lana helo geeska Afrika oo degan oo nabad ah kana faa,iidaysanaya khayraadka faraha badan ee ilaahay ku manaystay."

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "Anigu waxaan u arkaa somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya midka aad doonto joogoo soomaalida maanta talo ayaa hortaala oo ay jiilasha danbe uga shaqeeyaan nolol dhaanta tan ay maanta ku jiraan, taasina waxay ku filan tahay inay umada soomaaliyeed wax wada qabsadaan, maamuladuna waa gooni oo la samayn karaa maamul meel u gaar ah laakiin danaha geeska Afrika umada soomaaliyeed waa qaar aan kala go'ayn oo ilaahay sidaa u abuuray oo midina la,aantii ka kale aanay waxba u hirgelayn, mana aha inaynu been isku sheegno ee waa in runta laga hadlaa."

siyaasi Ismaaciil Buubaa waxa uu soo bandhigay aragti uu ku sheegay inay tahay xaqiiqada hortaala soomaalida geeska Afrika "runtuna waxa weeyaan oo aan anigu aaminsanahay in umada soomaaliyeed ama somaliland ha joogto ama Jabuuti, Soomaaliya,Itoobiya ama Kenya inay isku baahan tahay, sida maamulada laysku afgaran siinayo ee wax loo wada qabsanayaa waa arin kale laakiin mabda ahaan qofkii igu jeclaanaya iyo midkii igu necbaanaya anigu soomaali ayaan ahay, geeska Afrika soomaaliduna ma kala maarmi karto laakiin maamulo kala duwan way samaysan kartaa, maamuladaasina hadii aanay isku imana meel gaadhi maayaan."


Loading...
Loading...