Xukuumada Somaliland Oo Ganacsatada Ku Eedeysay Inay Boobayaan Dhulka Danta Guud.

0
Saturday February 27, 2021 - 09:00:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ganacsatada Ku Eedeysay Inay Boobayaan Dhulka Danta Guud.

    "Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano"

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee boobta dhulka danta guud ay yihiin ganacsatada, isaga oo ugu digay in ay faraha kala baxaan boobka dhulka danta guud ah, haddii kale laga qaadi doonto talaabo adag.

 

Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay mar ay kormeer ku tageen isaga iyo ku xigeenkiisu qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo kulmo kala duwan la qaatay masuuliyiinta degmooyinkaasi.

 

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmooyinku si wada jira uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta dhulka danta guud ah.

 

Guddoomiye Jaamac, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee dhulka danta guud boobta ay yihiin ganacsatada, waxaanu sheegay haddii ay ka waantoobi waayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan. "Dadka ugu badan ee waddooyinka cidhiidhyaya isla markaana doonaya in ay jidadka xidhaan waa ganacsato, waxaa aanu leenahay gacan adag ayaanu ku qabanaynaa, waxaa weeyi hadhaw in aad baryootanto oo aad tidhaaho dhisma la iga dumiyay oo hanta ayaa iga gashay wax aanu aqbalayno maaha ee cagaf ayaanu galinaynaa qofkii wadada ku soo xadgudba, waxaa aanu og nahay meelo la seesay, waxaa aanu joojinay meelo dhismayaal ka socdaan, waxaanu soo baabi’inay meelo sarfayn laga saaray, guud ahaana qorshayntii dhulka waala joojiyay, amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu joojiyay”

 

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamax Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ku amray guddoomiyayaasha degmooyinka ilaalinta dhulka danta guud, maaddama lagu jiro wakhti kala guur ah"Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano, abniga, gaar ahaan degmaddan aad masuulka ka tihiin.

 

Doorashooyinbaynu galaynaa dadkeenuna caddaw badan ayuu leeyahay, aad iyo aad in aynu u feejignaano oo aynu libin laabno ilaalinta nabadgelyadda.

 

Danta guud waa wax Qaranku wada leeyahay, wax dawladda oo qudhihi leedahay maaha ee waa wax bulshada Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaa jirta in xilliyadan danta guud ah la isku dayo in meelaha danta guud ah la boobo, annagu waxaa aanu diyaar u nahay in aanu kormeerno oo ilaalino, oo degmooyinka kormeerno, oo cidii isku dayda in ay  ku xadgudubto danta guudna aanu sharciga horgayno, idinkana waxaa aanu doonayna in shaqadii aad hayseen aad libin laabtaan, kana wada shaqayno sidii aynu danta guud u wada ilaalin lahayn.”

 

"Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in ay socoto hawshii kormeerka wakhti xasaasi ahna lagu jiro, dhulka danta guud ah iyo waddooyinka cidkasta oo ku dhaqaaqaysa arrimaha noocaas ah waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.

 

Annaga oo fulinayna amarka madaxweynaha oo guddoomiyihii iyo ku xigeekiisi wakiil nooga yihiin waanu fulinayna ilaalinta dhulka danta guud”Ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur.


Loading...
Loading...