Dal Doonaya In Magaca Laga Beddelo Lammaaneyaasha Guurka Kaddib

0
Saturday February 27, 2021 - 08:33:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Doonaya In Magaca Laga Beddelo Lammaaneyaasha Guurka Kaddib

    "Doorkeygu wuxuu yahay inaan abuuro jawi suuragelin kara si arrimaha shacabka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorkeygu wuxuu yahay inaan abuuro jawi suuragelin kara si arrimaha shacabka"

Wasiirka Awood siinta Haweenka iyo Sinnaanta Jinsiga ee dalka Japan ayaa ku soo biirtay sharci dajiyeyaasha diiddan in sharci ahaan loo oggolaado lammaanaha guurka kaddib in magac gaar ah loogu yeero.



Sharci la meel mariyey 1896-kii ayaa dhigaya lammaanaha dalka Japan u dhashay ee isguursada markay isguursadaan kaddib iney magac mideysan ay la baxaan.


Dadka u ololeeya sharcigan sidii wax looga baddali lahaa ayaa ku doodaya sharcigan inuu yahay mid eex horseedaya maadaamaa sharcigaasi uu lammaanayaal badan uu ku kallifay noolashooda inta ka dhiman in magaca guurka kaddib loo bixiyey loogu yeero.


Tamayo Marukawa waxay u sheegtay ka hor imaanshaha sharcigan ay kaga hortimid inuu yahay 'aragtideeda shaqsi ahaaneed' taasi oo aan saameyneyn waajibka saaran


"Doorkeygu wuxuu yahay inaan abuuro jawi suuragelin kara si arrimaha shacabka quseeyo looga doodo, ayey ku jawaabtay mar ay xildhibaannada mucaaradka ay aragtideeda su'aal ka weyddiiyeen", sida ay qortay jariiradda shacabku inuu Asahi Shimbun.


Marukawa waxay ka mid tahay 50-ka xildhibaan ee ka tirsan xisbul xaakimka dalka Japan ee LDP oo bishi hore saxiixay warqad ay ku dalbanayaan aqalka hoose inuu diido sharciyada aragtida xorta ah ee dadweynaha caqabadda ku noqon kara.


Aragtiyada qoran ee lagu ansixiyay golayaasha deegaanka ayaa la sheegay iney gacan ka geysan karaan iney dardar geliyaan doodaha baarlamaanka.


Doodda arrintan la xiriirta waxaa horay loo keenay Maxkamadda Sare sanadkii 2015-kii.


Kiiskaasina waxaa maxkamadda geeyey seddex haween ah iyo lammaane arrinkan iisu bahaystay, kuwaasoo ku dooday inuu sharciga yahay mid aan waafaqsaneen dastuurka, oo horseedaya takoor iyo inuu meesha ka saaro dhaqan soo jireen ah.


Balse maxkamadda ayaa sharcigaasi ayidday, iyada oo sheegtay inuusan ka horimaneyn dastuurka.

Garsoore Itsuro wuxuu xusay iney jireen xilliyo si dadban magaca gaarka ah ee lammanayasha looga yeero loo isticmaalayey balse sharciga laga soo saaray uu arrinkaa sii fududeeyey.


Wuxuuna intaa ku daray wixi hadda ka dambeeya iney howsha u taallo hay'adda sharci dajinta, iney meel mariyaan sharcigaasi cusub ee oggolaanaya magacyo gaar ah in lammaanayasha guurka kaddib loo bixiyo ama ay sharcigaasi diidaan.


Marukawa magaceeda caadiga ah ayey goobteeda shaqada u adeegsataa, balse dokumantiyadeeda kale ee sharciga ah waxaa ugu qoran magaca gaarka ah ee loo bixiyey guurka kaddib.

 

BBC

 

Loading...
Loading...