Jamaal Khaashuqji: Mareykanka oo shaaciyay ciddii ansixisay dilkii Weriyaha

0
Saturday February 27, 2021 - 07:24:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Khaashuqji: Mareykanka oo shaaciyay ciddii ansixisay dilkii Weriyaha

    Muqdisho(HWN):-Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(HWN):-Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka

Muqdisho(HWN):-Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.


Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in "la soo qabto ama la dilo" weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.
Maxaa ku qoran warbixinta la shaaciyay?

"Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji," warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka:

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas'uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay "ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen" dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan.
Composite picture of President Biden and King Salman

Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid "howlgal damiirka ka fog" oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay "inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay" ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay "mid cadaaladda lagu hareermaray".

Arrintan maxay uga dhigan tahay xiriirka Mareykanka iyo Sucuudiga?

Tan iyo 2018, CIA ayaa la sheegayay inay rumaysan tahay in amiirka dhaxalsugaha ah uu amray dilka hasayeeshee eedaha ah inuu ku lug lahaa ayaanay shaacin saraakiisha Mareykanka illaa waqtiga laga soo gaaro.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxaa la filayaa inuu tallaabo ka adag middii uu qaadi jiray ninkii uu xilka kala wareegay Donald Trump ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qaanuunka ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaas oo ah xulafo muhiim ah oo uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Khamiistii mar uu taleefanka kula hadlay amiirka dhaxalsugaha ah aabihii, Boqor Salmaan, ayuu madaxweyne Biden waxa uu "u xaqiijiyay ahmiyadda uu Mareykanka siiyo xuquuqda aadaha ee caalamka iyo sharcigaba", Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay.

Sida laga soo xigtay ila wareedyo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, maamulka Biden ayaa waxa uu ka baaraandagayaa inuu kansalo heshiis dhanka hubka ah oo Sucuudiga lala galay kaas oo walaac dhanka xuquuqda aadanaha keeni kara iyo weliba in mustaqbalka la xaddido hubka milateriga ee "daafaca" loogaga iibiyo dalkaas.

Loading...
Loading...