Muxuu Mareykanka Uga Cadhooday Diyaaradaha Dagaalka Ee Uu Ruushka Ka Iibinayo Masar?

0
Friday February 26, 2021 - 17:50:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Mareykanka Uga Cadhooday Diyaaradaha Dagaalka Ee Uu Ruushka Ka Iibinayo Masar?

    Maxay tahay sheekada ku saabsan heshiiska?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay tahay sheekada ku saabsan heshiiska?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa lagu soo warramay in xiriir uu telefoonka kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Sameh Shoukry, ugu muujiyay walaaca uu ka qabo suurtagalnimada in Masaaridu ay diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay Sukhoi 35 kasoo iibsato Ruushka.



Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxday xog ku saabsan heshiis ay yeelanayaan xukuumadaha Qaahira iyo Moscow.


Maxay tahay sheekada ku saabsan heshiiska?

Sanadkii 2019-kii, dowladda Masar waxay Ruushka la saxiixatay heshiis ku kacaya lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ujeeddadiisu tahay in ay kasoo iibsato qiyaastii 20 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee loo yaqaanno Sukhoi-35.


Tallaabadan ayaa ka careysiisay Mareykanka, waxaana saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington ay bidhaamiyeen suurtagalnimada in ay cunaqabateyn kusoo rogaan Masar haddii ay ku adkeysato dhammeystirka heshiiskaas oo ah in diyaaradahaas ay lasoo wareegto.


Hase yeeshee, Masar dheg jalaq uma siinin arrintaas, waxayna durbaba ku dhaqaaqday hirgelinta heshiiskaas, iyadoo guda gashay wajigii ugu horreeyay oo ay bishii August 2020-kii kusoo qaadatay shan ka mid ah diyaaradahaas, sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Monitor ee fadhigeedu yahay dalka Masar.


Markii ugu horreysay waxaa heshiiskan shaaca ka qaaday wariyaha ka soo warrama arrimaha militariga ee u dhashay Ruushka, Ivan Safronov, kaas oo sanadkii lasoo dhaafay xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay khiyaano qaran.


Safronov, oo horay agaasime ku xigeen uga ahaan jiray hayadda howlaha hawada ee Ruushka, ayaa wararka ku saabsan arrimaha militariga u qaabilsanaa labo wargeys oo ay dowladdu leedahay.

Moscow ayaa ku maxkamadeysay in uu fashilay sirta qaranka.


Maqaal lagu soo daabacay mid ka mid ah wargeysyada uu ka shaqeynayay Safronov ayaa lagu sheegay in dowladda Masar ay Ruushka la gashay heshiis ay uga iibsaneyso 20 diyaaradood oo ah 20 Sukhoi-35.


Markii dambe maqaalkaas waxaa laga saaray bogga internetka ee wargeyska.


Maxay Masar u rabtaa diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi 35?

Sukhoi 35 waa diyaarado loo adeegsan karo ujeeddooyin badan oo kala duwan. Waxay awood u leeyihiin in ay xadgudub ku sameeyaan hawada cadowga, iyagoo taageero buuxda siin kara ciidamada dhulka islamarkaana maamuli kara hawada lagu dagaallamayo.


Waxaa kale oo ay xakameyn karaan dhaqdhaqaaqyada dhinaca hawada ee ciidamada cadowga.


Diyaaradahan ayaa sidoo kale isticmaala tiknoolojiyadda loo yaqaanno "jiilka shanaad" taasoo ay ku xaqiijin karaan in diyaaradaha kale ee howlahooda qabta ay uga gacan sarreeyaan dhaqdhaqaaqyada hawada. Waxaa kale oo ay awood buuxda u leeyihiin in ay bartilmaameedsadaan wax walba oo dhulka jooga.


Sukhoi 35 oo ku shaqeysa labo matoor waxay saacaddiiba jari kartaa 2,400 oo kiiloo mitir, waxaana ku xiran hubka hubka casriga ah ee loo adeegsado duqeymaha iyo qalab lagula socon karo laguna cabiran karo bartilmaameedyo dhulka iyo hawada labada ah, shiishkooduna aad ayuu u wanaagsan yahay.



BBC

Loading...
Loading...