Maxay Tahay Hawsha Guddiga Ay Ku Heshiiyeen Mucaaradka Iyo Dowladda Soomaaliya?

0
Friday February 26, 2021 - 17:46:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Hawsha Guddiga Ay Ku Heshiiyeen Mucaaradka Iyo Dowladda Soomaaliya?

    "Guddigaas wuxuu soo baadhayaa in la ogaado waxyaabaha meesha ka dhacay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddigaas wuxuu soo baadhayaa in la ogaado waxyaabaha meesha ka dhacay"

Kulan ay Khamiistii magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda mucaaradka oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa looga dhawaaqay in la sameynayo guddi madax-bannaan oo baadhitaan ku sameeya sida ay wax u dhaceen 19-kii bishan kaddib markii uu qalalaase isu baddalay mudaharaad ay qorsheeyeen musharraxiinta mucaaradka.



Qodobbada kale ee ay ku heshiiyeen labada dhinac waxaa ka mid ahaa in maanta oo Jimce ah la baajiyo mudaharaad lagu waday in ay mar kale qabtaan hoggaamiyeyaasha kasoo hor jeeda xukuumadda.


Hase yeeshee bannaanbaxaas ayaa la isku afgartay in uu dhaco muddo 10 cisho gudahood ah, iyadoo loo xil saarayo guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ka socda.


Maxay qabanayaan guddigaas?

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaalah, ayaa BBC-da u sharraxay nooca ay noqoneyso shaqada guddiga lagu heshiiyay.


Ugu horreyn wuxuu ka hadlay waxa uu sameyn doono guddiga loo xil saaray in uu soo baadho arrimihii dhacay Jimcadii hore.


"Guddigaas wuxuu soo baadhayaa in la ogaado waxyaabaha meesha ka dhacay; maxay ahaayeen? yaa sameeyay? maxay dhibaato geysteen? Dhacdadaas mid aan wanaagsaneyn bay ahayd, marka maadaama ay wax dhaceen, lana canbaareeyay oo dowladdu ay ka xun tahay waxay arrintu noqotay in la baadho cidda lahayd mas'uuliyadda waxa dhacay<" ayuu yidhi wasiir ku xigeenka.


Wuxuu sidoo kale sheegay in guddigan baadhitaankooda kaddib la ogaan doono tallaabooyinka ugu dambeeya ee la qaadi karo, inkastoo aysan jirin muddo la ogyahay in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan.


"Waqti go'an looma qabanin, laakiin haddiiba heshiiskii dhacay, sida uu Ra'iisul Wasaaruhu meesha ka ballan qaaday waxaa dowladda ka go'an in heshiiskaas sida uu u dhacay loo fuliyo, xogta ay guddiga soo saaranna waxaa loo gudbin doonaa dowladda si ay tallaabooyinka ku habboon uga qaaddo."

'Haddii la heshiiyay, muxuu yahay mudaharaadka dhiman?'


Dhinaca kale Cabdiraxmaan Yuusuf AlCaddaalah ayaa ka hadlay sida uu u dhacayo mudaharaad kale iyadoo heshiis la gaadhay.


"Sida ku cad bayaankii kasoo baxay shirka, dastuurkuna uu dhigayo, mudaharaadka waa xuquuq dastuuri ah oo ku cad qodobka 20-aad ee dastuurka oo dadka muwaadiniinta ah iyaga oo dhowraya sharciga iyo degenaanshaha ay xaq u leeyihiin in ay mudaharaad sameeyaan. Musharraxiintu iyaga ayaa dalbaday inay sameeyaan mudaharaadka, maadaama uu wali u taagan yahay ayna doonayaan in ay cabashadooda kusoo gudbiyaan, dowladda mas'uuliyadda saaran waa inay u fududeyso, marka iyaga ayey tahay in la weydiiyo waxa ay rabaan in ay kusoo bandhigaan," ayuu yidhi Alcaddaalah.


Maxay ahaayeen qodobbadii kasoo baxay Kulankii shalay?

Labada dhinac ee musharaxiinta mucaaradka iyo dowladda ayaa waxay isku afgarteen dhowr qodob oo uu horey muran uga taagnaa.


  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay wixii ka dhacay Magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, waxayna uga tacsiyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Midowaga Murashaxiinta ee waxyeelladu ka soo gaartay, waxaana la isla gartay in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya sidii ay wax u dheceen.

  • Sida uu qabo qodobka 20aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS, Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo. Sidaas darteed Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa in ay ilaalineyso xuquuqdaas dastuuriga ah.

  • Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiintu waxa ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa bannaanbax si nabadgelyo ah ku dhaca iyadoo dowladdu ilaalineyso amniga iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed.

  • Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiintu waxa ay isla garteen in dib loo dhigo Mudaharaadkii qorsheysnaa maalinta Jimcaha ee ku beegan 26 Febaraayo 2021.

  • Bannaanbaxa dib loo dhigay waxa uu ku dhici doonaa muddo 10 cisho gudohood ah, waxaana loo xil saaray guddi wada jir ah.

  • Waxaa la isku afgartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadalladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

 

BBC

Loading...
Loading...