SAYLICI Oo Indhaha Ka Qarsadday Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Xuquuqal Insaanka

0
Thursday February 25, 2021 - 15:18:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    SAYLICI Oo Indhaha Ka Qarsadday Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Xuquuqal Insaanka

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Indhaha Ka Qarsadday Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Xuquuqal Insaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Indhaha Ka Qarsadday Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Xuquuqal Insaanka

Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) kaga qayb-galay shirka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, oo ay soo qaban-qaabiyeen guddida caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka kana soo qayb-galeen hoggaamiyeyaal ka socday Caalamku.



Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si weyn u sharaxay heerka xuquuqul-iinsaanka ee Somaliland oo uu tilmaamay inay kamid tahay meelaha Afrika ugu horeeya dhanka dhawrista xuquuqda qofka iyo sidda dastuurka Somaliland awooda ballaadhan u siiyay dhawirsta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyne ku-xigeenku xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay guddi madax-banaan oo u xil-saaran illaalinta xuquuqda aadamaha, guddidaas oo hawshooda u guta si madax-banaan isla markaana aan wax car-qalad ah kala kulmin hay’adaha kala duwan ee dawladda ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo shirkaasi khudbad dheer ka jeediyay.

Waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay madaxweyneyaal, ra’iisal wasaareyaal hore iyo kuwo hadda xilal haya, wasiiro, siyaasiyiin caana iyo madax tiro badan oo ka socday dawladaha dunida iyadoo shirkaasi uu daadihinayey Danjire Dr. Muhammad Shahid Amin Khan, Guddoomiyaha Adduunka ee Guddiga Caalamiga ee Xuquuqda Aadamaha (IGO) oo fadhigiisu yahay dawlada pakistan.

Loading...
Loading...