Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo Ee Sool Iyo Sanaag Oo Codsaday Inuu U Yimaado Iyo Mooganaanta Xukuumada Somaliland

0
Thursday February 25, 2021 - 11:18:23 in News by
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo Ee Sool Iyo Sanaag Oo Codsaday Inuu U Yimaado Iyo Mooganaanta Xukuumada Somaliland

    Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo Ee Sool Iyo Sanaag Oo Codsaday Inuu U Yimaado Iyo Mooganaanta Xukuumada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo Ee Sool Iyo Sanaag Oo Codsaday Inuu U Yimaado Iyo Mooganaanta Xukuumada Somaliland


Hargeysa(HWN):-Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland ayaa muuqaal ay iska duubeen oo ay ku baahiyeen baraha bulshada Iyo Mareegaha Wararka, waxa ay taageero u muujiyeen Madaxweynaha Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya iyagoo ugu baaqay Farmaajo inuu mar kale ku soo laabto Madaxtinimadda Dalkaasi.




Lama garanayo ujeedada ka dambaysa ee ay dadkani iskugu yimaadeen iyo cidda soo abaabushay toona,balse waxa muuqata inaanay ka faa’iidaysteen foojignaan la’aanta hay’adda amniga gobolkaasi kuwaasi oo ka indha la’ shirqoolada noocan oo kale ah ee loo maleegayo Qaranimadda Somaliland ee laga dhigayo in dadka ku dhaqan carradda Somaliland ay taageersan yihiin Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya.


Waxa ka mid ah hadaladii ay jeediyeen "Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waanu ku jecelnay waanu ku garab taaganay sawirkaaga sidaas ayaanu u sidanaa,annagana haddii aanu nahay Sool Sanaag iyo Cayn waanu ku sugaynaa,rajadda keliya ee aanu leenahay waa in aad soo noqoto, halkaas ayaan kugu sugaynaa waanu ku taageersanay,cadowkaagana alle dhabarka haka jebiyo ku guddaha ku jira iyo mid dambada ka yimiba,imaraadka iyo Kiiniya illaahay iyo ciidankeena iyo codkaaga ayaa inagaga filan”.

Waanu ku taageersanay haddii aanu nahay Sool Sanaag iyo Cayn gaar ahaana magaalada Laascanood afar sanno ayaad xilka haysee afartan sanno oo kale noo hay, ciidamada Qaranka Somaliyana waanu hambalyeynaynaa.”

"Waxaan la hadlayaa Modoobe iyo Demiye iyo nimankan sheegtay inay yihiin saamilay siyaasadeed,saamilay siyaasadeed wax la yidhaah maba jirto,markii aad Madaxweynayaasha ahaydeen labada nin ee Madaxweynayaasha sheegtayoow markii aad ahaydeen Madaxweynayaasha wax sumcad ah oo aad lahaydeen iyo waxaad dalka kusoo kordhiseen ma jirto,haddana marka aad arragteen iftiinka Somaali u soo baxay iyo ninka shaqaynaya ee Hawadii Somaaliya soo celiyey ee ciidamada dhisaya, ninka cadowga cadaadinaya, ninka sumcadii ummadda somaaliyeed oo celiyey eek or u qaaday , markaas ayaad masayrteen masayr ayaa idin haya,waxa aad isleedihiin haddii uu soo baxo mar dambe ciddi idinla haddli mayso ,shacabka Somaaliyeed idin marabo oo wax-ba idinku fali maayo , labadan kale damiye iyo madoobe labaduba waa xadhig waa la iska qabanayaa oo somaali ayaa iska qabanaysa.”

"Gobolka Sool dadku ma seexdaan caruur wayeel iyo cid kastaa sidaas ayey ugu haddaaqayaan Madaxweyne Farmaajo,waanu soo dhaweynaynaa Madaxweyne guulayso illaahay cadowga hakaa qabt, halkan waa Magaalada Laascanood waxaan ka taageeraynaa Madaxwene Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Dowladdayada calanka leh, Farmaajo sida loo taageersan yahay hadda ayaa gobolka Sool Salaado Sunne ah loo Tukadaa, Farmaajo waa Madaxweyne illaahay inoo soo diray waa mar la arrag waa wax illaahay inoo soo diray,waanu taageersanay”.

"Annigu waxaan ahay 70 jir waxaan joogaa gobolka Sool ilaa Dowladdii Maxamed Siyaad Barre waan joogay maan arrag maanta ka horn in sidaas loo rabo oo loo jecel yahay nimanka leh waxaan nahay mucaarad maaha ee waa kooxo beelaadyo, kooxo beeleedyo haddii ay yihiin waxay ka cararayaan Maxkamad, mid waa kii badda Somaaliyeed iibsatay, midna waa kii iibsaday shanta boqol ee gabdhood ee Somaaliyeed inta kalena wey kula socotaa wey wadda iibsadeen, Axmed Madoobe iyo demiye waa la qaqabanayaa Maxkamad ayey ka cararayaan iyana,waxaan leeyahay Farmaajow Noolow weligaana hay .” ayuu sheegay mid kamid ah odayaasha Laascanood .

 


Loading...
Loading...