Safiirkii Dalka Talyaaniga U Fadhiyey Wadanka Koongo Iyo Saraakiil Wehelinaysay Oo La Dilay

0
Thursday February 25, 2021 - 10:52:22 in News by
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Dalka Talyaaniga U Fadhiyey Wadanka Koongo Iyo Saraakiil Wehelinaysay Oo La Dilay

    Safiirkii Dalka Talyaaniga U Fadhiyey Wadanka Koongo Iyo Saraakiil Wehelinaysay Oo La Dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii Dalka Talyaaniga U Fadhiyey Wadanka Koongo Iyo Saraakiil Wehelinaysay Oo La Dilay


Safiirkii dawladda Talyaaniga ee dalka jamhuuriyadda dimoqraadiga Koongo iyo derawalkiisii oo u dhashay dalka Koongo ayaa maanta lagu dilay dalkaasi.




Kadib markii ay koox hubayni weerar jid gooyo ah u galeen isagoo marayay barriga dalka Koongo oo ay la socdeen wefti ka tirsan haayadda WFP.


Ambassador Luca Attanasio, ayaa u socday xiliga la dilay safar uu ku tegayay magaaladda Goma.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in weerarkii ay ku dhinteen saddex qof oo kale oo weftiga ka mid ahaa.

Isagoona booqanayay dugsi quudinta caruurta ah oo ay gacanta ku hayso haayadda WFP, Sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaramadda midoobay.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliaydda weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay xubno ka mid ahaa weftiga la socday danjiraha Talyaaniga ee la dilay.

Xiliga weerarku dhacayay ma jirin wax ilaalo ah oo la socday xubnaha wefti oo ka koobnaa todoba, Iyadoo iidamadda amaanka ayaan lagu wargelinin in weftigu ay jidka uu weerarku ku qabsaday soo marayaan.

Sida uu telefishanka Al Jazeera u sheegay guddoomiyaha gobolka North ee dalka Koongo Kivu Carly Nzanzu.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dawladda talyaaniga Luigi Di Maio, oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdadaasi, isla markaana ay ka murugoonayaan.



Loading...
Loading...