Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Hogaanka Waddani Oo Sawir Siyaasadaysan Ka Soo Muuqday

0
Thursday February 25, 2021 - 10:46:19 in News by
  • Visits: 1697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Hogaanka Waddani Oo Sawir Siyaasadaysan Ka Soo Muuqday

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Hogaanka Waddani Oo Sawir Siyaasadaysan Ka Soo Muuqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Hogaanka Waddani Oo Sawir Siyaasadaysan Ka Soo Muuqday

Hargeysa(HWN):-Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa la filayaa si weyn loogu soo dhaweeyo Magaalada Laascaanood oo uu ku sii jeedo, laguna wado inuu berri subaxnimada gaadho.
May be an image of 4 people, people sitting and text


Qaban-qaabada soo dhaweynta Cabdirisaaq Khaliif, ayaa laga dareemayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo deegaannada laamiga saaran ee gobolkaas.

Cabdirisaaq Khaliif oo ah Murrashax u tartamaya Golaha Wakiillada, isla markaana Mucaaradku qorshanayaan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada haddii uu soo baxo, ayaa socdaalkiisa, waxa uu qayb ka yahay hawlaha doorashada iyo sidii uu kulmi ula yeelan lahaa taageerayaashiisa Gobolkaasi, waxaanu inta uu joogo ka qayb geli doonaa xafladdaha Murrashaxiinta Xisbiga Waddani ee Gobolka Sool iyo Degmada Laascaanood.
Socdaalkan waxa ku wehelin doona Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Weftigan Waddani oo caawa ku sugan Burco, ayaa la filayaa in ay Berri ka kalahaan.

Socdaalkan Cabdirisaaq Khaliif ee Laascaanood ayaa ku soo beegmaya, xilli uu halkaas joogay maalmihii u dambeeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan shaaciyey inuu Golaha Wakiillada u tartamayo.

Dhinaca kale, Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Weftigan Waddani oo Degan Huteelka Isha Burco, halkaas kula kulmay.
Kulan oo mid kooban ahaa, ayaa sawirro laga helay, waxay muujinayeen in kulanku aha mid salaan ah oo labada dhinac is dhaafsadeen
Loading...
Loading...