Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xidhiidhka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Taiwan

0
Thursday February 25, 2021 - 10:32:53 in News by
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xidhiidhka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Taiwan

    Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xidhiidhka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Xidhiidhka U Dhaxeeya Somaliland Iyo Taiwan


Hargeysa(HWN);-Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay Ahmiyadda Gobolka Geeska Afrika uu u leeyahay Qaaradda Afrika iyo guud ahaan Caalamka.




Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo War-bixin siiyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ka hadlay sida Dalalka Adduunku u danaynayaan Gobolka, taana ay muujinayso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Taiwan la samaysatay Somaliland, inkasta oo ay labadooduba yihiin Dalal raadinaya Aqoonsi Caalami ah.


Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa yidhi "Dhawaanahan waxa kor u kacay muhiimmadda Qaaradda Afrika iyo Adduun-weynaha u leeyahay Gobolku, iyadoo Taipei xidhiidh diblumaasiyadeed la samaynayso Somaliland.”

James Swan wuxuu sheegay in Somaliland ay Aqoonsi Caalami ah raadsanayso sida Taiwan oo kale "Somaliland, sida Taiwan oo kale, waxay raadineysaa aqoonsi caalami ah”



Loading...
Loading...