Oo hinta Hablaha Iyo Tawaawaca Haween Ka Soomalidu Mararka Qaar Waxay Sababtaa Kacdoono Aan Saldhigasho Lahayn

0
Thursday February 25, 2021 - 08:58:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Oo hinta Hablaha Iyo Tawaawaca Haween Ka Soomalidu Mararka Qaar Waxay Sababtaa Kacdoono Aan Saldhigasho Lahayn

    Waxaa Qoray Weriye Abdiqani Baylood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray Weriye Abdiqani Baylood



TUSAALE:- Jabhadihii Somalia ka Dilaacay Sanadihi 1981/1982 kii ee ay Hogaaminaayen Wiilal kooban oo tiro yar oo weliba Watey hub Noociisa ugu Weyni ahaa Qoriga loyaqaano AK47 ka ee ka horyimi Dawladi ugu Awooda weynayd AFRICA kuna yidhi (MAYA) Diidney,idinka yeelimayno, ee Aakhir kiina intay oofwareemeen oo ay Afgembiyeen Weliba Adhaxda ka jebiyey Cududii Ciidan kii Somalia ee lagu Naanaysi jirey Libaaxyadii AFRICA

Maxaad Umalaynaysa inay lafdhabar U,ahaayeen Waxyaahihi ku dhaliyey kacdoon kaa iyo Gadood kii dhacay Waagaa ee Sababay in dhulka la lajaro oo ay Gadoonto Jamuuriyaddi Somalia ??

■Bal Qiimee oo maxaad filaysa inay Ahaayen Wax yaabihi inamadaa ku kelifay inay Qaataan Go,aamadii Qadhaadha ee Nafahooda Galaaftay intoodi badnayd ?

■Waxaa lafdhabar u,ahaa Gadood kaas iyo Kacdoonadaas Hooyooyin dhulka lajiidey, Hablo lagaga oohiyey iyo Birmageydo looquudhay Wax aanay geyin oo aanay galabsanin

■Imisa Wiil oo iyagu Wakhtiga aan diyaarba u,ahayn dhimasho iyo geeri ayaa U,adkaysan waayey OOHINTI Hablohooda dabadeed Dagaalamay oo aan gadaal usoo laabanin ?

■Maxaa Sababay Dagaalki waagaas ee Galaaftay Dawladnimadii, Dadkii iyo Duunyo Wixii Somali ay lahayd ?

■Aabayaal iyo inamo badan oo Nolosha ka hayaamay Wixii ay ka Dagaalameen ee ay Diideen Sow kamay mid ahayn Dawladnimo Dumarka kaga OOHINAYSA ?

FG. Ciidankii Awooda badnaa ee lamagac baxay Libaaxyadii AFRICA iyo Awoodii Dawladnimo ee Jamuuriyaddi la odhanjirey Somalia Waxaa Soo Gaba gabeeyey oo Soo Afmeeray Wiilal tiro yar oo Gadoodey kadib Markii lagu hor Garaacay Hooyoyinkood Hablohoodiina ay kaga OOHIYEEN Askar direys iyo Darajooyin Xidhan oo sharci looga Dacwoodaana aanu jirin !!!



Qore Abdiqani BayloodWaxaa Qoray Weriye Abdiqani Baylood
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...