Odeyga Qaranka Iyo Axmed Yaasiin Iyamaa Abaal Badnaa ?
Waxa
ay ahayd xili xasaasiya oo uu Muuse Biixi u taagnaa hogaaminta qaranka oo aanu
qofna ka maarmin marka Axmed Yaasiin damaca shirgudoonku galay , anagu waxa
aanu aheyn xiligaasi mucaarad waxaana markii uu Cirro baneeyey kursiga
shirgudoonka aanu u wadnay halyeygii geeriyooday ee Cabdiraxman Talyanle oo aan
aaminsanahay in uu ku guuleystay shirgudoonka laakiin la farsameeyey.
Axmed
yaasiin waxa uu isu taagay shirgudoonka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha
wakiilada jamhuuriyada Somaliland, halka uu Gudoomiyaha isu taagay Baashe
Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha Golaha wakiilada ee hadda , labadaba waxa ay
markaasi ka soo jeedeen xisbul xaakimka oo hogaaminta golaha na rabay xili ay
doorasho adag oo Madaxwayne soo beegan tahay.
Baashe
isagu hore ayuu uga mid ahaa shirgudoonka golaha wakiilada waxaana uu ahaa
xubnaha ay xukuumadii siilaanyo ee labada garab kala noqotay garabkii meesha ka
baxay la xulfiga ahaa, amaba ka mid ahaa isbahaysigii dimuqaradiyad doonka ee
kulmiye ee ay iska soo horjeedeen garabka markii dambe gaar loogu xidhay
xisbiga ee uu hogaaminayey Muuse Biixi Cabdi.
TARTANKII SHIR GUDOONKA IYO TACABKII MUUSE BIIXI
Waxa
aan odhan karaa tacabkii ugu adkaa ee marka laga tago kursiga Madaxwaynaha ee
uu doonayey Muuse Biixi waxa uu galiyey kursigii shirgudoonka ee uu la rabay
Axmed yaasiin sheekh oo aanu habeen iyo maalin midna ka seexan , tamar dhaqaale
iyo taag qofnimo waxii uu hayey ayuu galiyey waxaana ay sabab u noqotay in uu
Axmed Yaasiin durduro ku soo baxo tartankii shirgudoonka.
Arinkaasi
waxa uu cadho ku beeray Baashe Maxamed Faarax oo aan kursiga kan Axmed Yaasiin
ka sareeyey ee uu rabay aan lagula dagaal galin tacab badana aan la galin
kaliya marka laga reebo in Saleebaan Cali Koore uu ka reebay Muuse Biixi,
laakiin sidii Axmed yaasiin dhaqaalaha iyo xooga loo galiyey aan loo galin
Baashe.
Arinkaasi Baashe laba arinba waa la odhan karaa;
1- Muuse Biixi Gobolka Awdal oo xiligaasi u muhiim ahaa in uu cod ka helo iyo in uu sii sameysto wax uu la hortago oo uu ugu tar sheegto reer Awdal.
2-
isaga oo aan Sool rajo badan ka qabin sidoo kale Baashe ka dhex arkayey
xulafadii Xirsi hogaaminayey oo ay si weyn isku hayeen.
ODHAAHDA AXMED YAASIIN EE HADDA
Axmed
yaasiin sheekh hada hadalkiisa waxa ka muuqata in aanu Muuse Biixi sidan ka
fileyn laakiin ay dhacday in uu xisbigii kulmiye boos ka waayey , sidoo kale ay
jirto in Madaxwaynaha laga xigsaday oo ay dad ku wareegsan yihiin.
Hadaladani
oo u muuqda in uu jeclaa in uu kulmiye sii joogo laakiin ay dani ka dhaqaajisay
, waxa kale oo uu qiray in uu Muuse Biixi abaal gashaday Axmed yaasiin, Axmed
na uu abaalkii celiyey oo uu Madaxwayne Biixi kursiga saaray.
SIDEE AY WAX U JIRAAN HADDABA ?
Madaxwayne
Biixi waxa uu diyaarsaday qorshe aan isaga cidi ku wehelin iyo cidii uu ku
kalsoon yahay oo uu rabo in uu helo gobol walba tirada ugu badan xisbigiisa
kulmiye, gobolada Galbeedka waxa uu Gudoomiye uga dhigey soo xulista xubnaha
saaxiibkiisa koowaad ee Saajin oo ah Madaxwayne ku xigeenka ku lamaan
Madaxwayne Biixi tartanka Madaxwaynaha ee dambe.
Sidoo
kale Madaxwayne Muuse waxa uu ku jiraa in xubnaha xukuumadiisa ee uu damacu
kaga jiro golaha wakiilada in uu ku garab istaago oo uu waliba kula dedaalo
sidii ay u soo bixi lahaayeen , danaynta xukuumada talada haysa ee
doorashooyinka soo socdaa waata Axmed yaasiin ka yeedhsiisay doorasho cadaalad
ahi ha dhacdo.
Macnaha
waxa u muuqda damaca xukuumada Madaxwayne Biixi ee doorashooyinka soo socda ,
qorshaha iyo dagaal siyaasadeedka adag ee ay dooneyso in aan kursi kaga fakan
iyo dareenka isaga ku jira oo mar labaad u tartamaya xildhibaan Golaha
wakiilada ah xisbi mucaarid ahna tagey.
Madaxwayne Muse Bihi Abdi
oo xiligani ka kalsooni badan maalintii uu
talada dibada ka joogey isla markaana diyaarsaday shax irmaanteeda wadata oo
isku qoofalan ilaa doorashada Madaxwaynaha ee dambe iyo sida uu mucaaridka
isaga baraad laayahay ayaa ah iyaduna kalamaan.
Bal aynu dhawrno waayaha
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!