Suldaan Maxamed: Barashadii Kowaad, Bilawgii Hawl Aan Ula Kulmo iyo Weedhiisii Buugga SAMOTALIS (Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf)

0
Wednesday February 17, 2021 - 09:46:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Maxamed: Barashadii Kowaad, Bilawgii Hawl Aan Ula Kulmo iyo Weedhiisii Buugga SAMOTALIS (Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf)

    Nuxurka dhambaalkaasi waxa uu ahaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka dhambaalkaasi waxa uu ahaa:

Waxa Hargeysa ku geeriyooday 12kii Feberweri 2021ka Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir Suldaan Cabdillaahi Suldaankii Guud ee beelaha Somaliland oo 13kii Feberweri 2021ka lagu aasay Xabaalaha Salaaddiinta ee Hargeysa. Qormooyin kooban oo tani bilaw u tahay ayaan ku milicsan doonaa sooyaalkiisii, qofnimadiisii iyo baadisoocihii uu gaarka u lahaa.



Waxa aanu deggenayn Kaam Abokor oo ka tirsan Darroor, Gobolka Jarar DDS intii u dhexaysay 1989-1997kii. Inta uu dalku xoroobay 1991kii oo ay dad Hargeysa u soo guureen ayaa qaxoonti labaad nagu soo noqday 1994kii. Waa xilliga aan baranayo magaca Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir Suldaan Cabdillaahi.


Isaga iska daaye magaca Suldaan oo dhan ayaa igu cusbaa waagaas. "Gurigii suldaanka, suldaanka” ayaan maqli jiray, waxa uu ii ahaa derejo ka sarreysa tan dadka caadiga ah. 1997kii ayaanu Hargeysa u soo wareegnay, waana marka suldaanku imanayo Hargeysa ee colaaduhu joogsadeen. Kolkaas ayaan muuqiisa ku bartay warbaahinta…Marar kala duwan ayaan arkay ama aannu meel ku kulannay.


Markii ugu horraysay ee aan hawl qof ahaaneed ula kulmaa waxa ay ahayd 6dii Juun 2011ka, waxaanan rabnay in uu codkiisa ku taageero muwaaddin xidhnaa. Waxa aan ka soo waayay gurigiisii Masallaha, kaddibna waxa aan ugu tagnay Xamdi Hotel xilli galab ah. Aniga iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Axmed Kabadhe (Awrliqe) ayaannu ahayn. Inta uu ka soo baxay shir uu ku jiray ayan u akhriyay dhambaal aan ugu talogalsanaa in uu magaciisa ku soo baxo. "Waa sax” ayuu yidhi. Awalba wax u qalma in ay magaciisa ku soo baxaan ayaan maangodlay.


Waxa uu raaciyay weedho tilmaan ah oo qurxiyay dhambaalka. Cabbaarkaas aan la joogay waxa aan ka dareemay xaqdhawrkiisa. Wuxuu ahaa qof garanaya xilka ka saaran ummadda iyo masuuliyadda uu hayo. Ma uu sidan shaambaddiisii, markaas waxa uu ka baqay in lagu kalsoonaan waayo dhambaalka aan tebinayo "Aniga ayaa garaaci oo saxaafadda u gudbin” ayaan idhi. Sidii ayaan farriintaas ku faafiyay. Warbaahintana waxa aan u sheegay in aan masuul ka ahay wixii ka soo noqda bayaanka.


Nuxurka dhambaalkaasi waxa uu ahaa:

"Waxa aan ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo” iyo haayadaha kale ee dawliga ah kuna shaqada leh garsoorka in ay si degdeg ah xorriyaddiisa ugu soo celiyaan Muwaaddinka Magaciisu yahay Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, oo muddo saddex sanno ah ku xidhan Xabsiga Hargeysa, wax dambi ahna aanay ku helin oo ay sii daayeen maxkamadaha dalku, laakiin u xayiran shirqool ay maleegeen koox dano gaar ah len, oo ku takri-falay awood dawladeed, kuna tuntay sharciga dalka.


Waxa aan xukuummadda Somaliland ugu baaqayaa in ay sii daayaan isaga iyo kuwa kale ee xaqdarrada ku xidhan, hubin kaddib.”


Isla bishii ku xigtay taas oo ahayd Julaay 2011ka ayaan ula kulmay in uu weedh ku cabbiro aqoontii uu u lahaa marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, labadaba Alle ha u naxariisto. Markan xidhiidhkayagu toos buu ahaa. Inta aan maalin la ballamay ayaanu is weynay oo nin albaabka guriga iga soo celiyay. Ayaantii labaad ayaanu kulannay. Waa uu isoo dhaweeyay, isaga oo muujiyay in uu ka xun yahay is-waayitaanka.


Labadayada oo qudha ayaa fadhiisannay wajahad hadhaysan oo gurigu lahaa. Xilli aan lugta maalo ama baska raaco oo aanan baabuur wadan bay ahayd. Goor aan u banbaxay ururin taariikheed oo beesadaha iyo biniyadu is goosteen bay ahayd. Mar aan badhitaar iyo barbarjoogsi u baahnaa bay ahayd. Aniga oo awalba ogaa deeqda iyo dunwanaagga suldaanka, maalintaas wixii aan u baahnaa suldaanka ayaa bixiyay oo i sooray. Aniga oo lacag iyo xogba sita ayaan soo laabtay.


Maalintaas waxa aan keligay la qaatay wakhti ku dhaw laba saacadood. Tibaaxo badan oo aan hayay ayaan ka xaqiijiyay. Intii aan xog weyddiin kari lahaaba waan u bandhigay. Si xalkasnimo leh buu iigu warceliyay. Wax tegay iyo wax taaganba waan toyday. Wakhti kasta wuu ii huray, isaga oo ay dad kale sugayaan haddana igama nuuxsan/jeedsan. Keliya in aan la joogo, hawlina noo socoto ayuuu tilmaamayay. Markii aan qaddarintiisa, qofnimadiisa iyo qalbi-wanaaggiisa ka yaabay ayaan iskay weyddiimaha uga soo koobay. "Nabadgelyo adeer, waan kuu iman doonaa, dadna waa ku sugayaan” ayaan idhi. Sidii ayaan ku soo dhaqaaqay.


Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir oo ka warcelinaya aqoontii uu lahaa marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf ayaa yidhi:


"Xaaji Cabdi illaa yaraantaydii waxa ay aqoon isu lahaayeen qoyskayga. Aniga oo yar oo arday ah ayuu maalin nala kulmay annaga oo ciyaal kale is-haysanna, oo la i leeyahay Ina Dhabbeeyoow. Markaasuu i gartay, ina qabtay, oo aabbo ayay is-yaqaanneen oo xilligaas qurbaha ku maqnaa, taas ayaanu nagu xidhiidhin jiray.


Waxa uu ka mid yahay Guurtida oo door fiican ka qaadatay nabadayntii Somaliland oo guddoominaysay shirarkii Boorama, Burco, Berbera iyo Sheekh lagu qabtay 1991-1993kii. Waxaanu ka wada qayb galnay shirkii Somaliland ee Burco 1991-kii. Shirkii Booramana furistii iyo xidhitaankiisii ayaan joogay, intii uu socdayna ma joogin, oo waxaan uga maqnaa waxaan idhi "Meel laba nin oo Isaaqi ku tartamayaan, lama odhanayo Suldaan Maxamed ayaa midna raacay, midna diidday, kii la doortaba Suldaan baan u ahay, isaguna madaxweyne ayuu ii yahay”.


1994-kiina raggayagii hawdka tegay, aakhirkii waddadiisii ayaanu ku soo dhacnay, oo nabaddii uu qaatay ayaa la wada qaatay. Shirkii Hargeysa ee 1997-kiina waanu ka wada qayb galnay. Xaaji Cabdi waxaan leeyahay Ilaahay cimrigiisa ha u barakeeyo, caafimaadkana ha u siyaadiyo,  waan u ducaynayaa. Waa qof dadka runta u sheega, xumahana ka waaniya, cidna aan dhib la jeclayn.


Aynigaasi illaa maanta hadalkiisu wax is-dhaaf ah malaha, wax turxaan ah malaha. Waa oday aan aad u ixtiraamo, oo aan tababar badan ka qaatay. Waxyaabo badan oo aan ka maqlay ayaan ku dhaqmaa. Wax guula mooye, wax guul-darro ah kalama kulmin marnaba. Waanooyin iyo talooyin badan ayuu intaa i yidhaahdaa.


Hadday dadku ii yimaaddaan, oo ay wax iiga sheeggaanna, maalinta aan isla helo Xaaji Cabdi iyo qofkii wax iiga sheegayay, ayaan kii warka ii keenay ku idhaahdaa waa kan Xaaji Cabdi innala jooga, ee ku caddee waxaad sheegaysay, markaasuu nin walbaaba yidhaahdaa waa maxay kan aan waxba qarinayni.


Maalinta uu baxo, reerkaa uu ka dhashay kaalin weyn ayaa ku bannaanaan doonta. Rag badan oo fikrad xun ka bixin jirayna way is-qoomamayn doonaan. Laakiin anigu waxaan leeyahay xurmaa la isku leeyahay, odaygaaga haddaanad xurmaynna naf yeelan maysid, oday waliba inta uu xurmayn ka helo dadkiisa ayay ummadda kalena ugu soo joogsataa. Haddaad maalin walba gidaad ka caydo, isaga caydu waxba ma yeelaysee, adiga ayay naaqusnimo kuu tahay.


Waa nin af-tahan ah oo dadka ugu jilib-dhiga kuna garnaqsada codkarnimo. Raggu waa isu faanaa, marka la isu faanayo isagu waa helayaa meesha uu ka kala ka cadhoonayo, faro haddii layga badan yahay, anna wixii iga farabadan sidaas ayaan u liqaa markuu leeyahay waa run. Waa qof markuu hadlo ummadda dhankuu doono u dhaqaajin kara, isaga oo weliba aan buugna akhriyin, waxna qorin. Colaad iyo nabad intaba wuu u soo taagnaa.


Muhiimad weyn bay leedahay qoraalka taariikhdu, in laga been abuuro, oo wax aan jirin lagu dardarana maaha. Reer Somaliland waa in guri wada seexata, oo iska wada war haysa. Haddii reer walbaaba wax aan jirin uu sheegto waxay noqonaysaa ummad digo iyo dambas kala iibsanaysa.


Taariikhdana been lagama sheego, iyadaa is-qorta taariikhdu, wuxuun bayse dadku ku dedaalaan in ay qurxiyaan. Berri waxaad arkaysaa nin sheeko kuu sheegaya, saadambena sheeko kale kuu sheegaya, markaa adigu waad arkaysaa ta la isku hallayn karo ee runta ah. Markaa nin kasta oo taariikhda xumee ama wanaaji is-yidhaahdaaba taariikhdu waa taariikh, soo-jireen baa jira, cidina ma qori karto wax aan jirin."


Sawirku waa furitaankii jidka Hargeysa-Sallaxley, Oktoobar 2012ka



La soco Qaybta 2aad haddii Alle idmo.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...