'' Xasuusta Suld Max/d & Abtigey Xuseen ''.

0
Tuesday February 16, 2021 - 17:09:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xasuusta Suld Max/d & Abtigey Xuseen ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Suldaan Maxamed Suld C/qaadir oo ka qayb galay shirkii Carte ee sanadkii 2000 ayaa damcay in uu kusoo laabto Magaaladda Hargaysa halkaasoo Baarlamaanka iyo Xukuumaddu go'aamiyeen in Xabsigga la dhigo qof kastoo ka qayb gala shirkaas , sidaa darteed Suld Maxamed iyo cidii kale ee shirkaas ka qayb gashayba waxaa u yaalay xadhigaas .



Markii warkaasi soo baxay ayaa Madaxwayne Maxamed Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee u yeedhey Taliyihii Booliska ee waagaas Xuseen Axmed Guuleed Isna alle ha u naxariistee maalin Sabti ah waxaanu ku yidhi '' Maalinta Isniinta ayuu imanayaa Suldaan Maxamed markaa waa inaad soo xidhaa , Xuseena wuxuu ku  yidhi Madaxwayne Anigu Suldaan Maxamed Xadhig u quudhi maayo .


Muddo markii ay hadalkaa isku celcelinayeen mid walibana halkiisii ku adkaystay ayuu yidhi Madaxwayne Cigaal '' Haddii aad diidey in aad Suldaanka xidho waxaan yeeli doonaa wixii aan ka maarmi waayo , Xuseena wuxuu ugu jawaabay wixii aad dan moodo yeel ''.


Maalintaas maalintii ku xigtey ayuu Madaxwayne Cigaal Xilkii ka qaadey Taliyihii Booliska , waxaanu magacaabey Taliye Cusub .


Hadaba waxaa cajiiba Madaxwayne Cigaal bil ka dib in uu u yeedhey Xuseen kuna yidhi '' Waad ku hagaagsanayd go'aankaagii ana dan uun baa ii gaynaysaye si kale may ahayn ,  Ilaa geeridisiina saaxiib dhaw bay ahaayeen . Naxariistii janno alle haku manaysto sadexda marxuunba .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...