Saacadaha Biyaha Mawduuc Maanta Taagan...W/Q Cabdirashiid Maxamed Jaamac
Saacadaha Biyaha Mawduuc Maanta Taagan...W/Q
Cabdirashiid Maxamed Jaamac
Malaayiin saacadaha biyaha ah ayaa lagu isticmaala dunida maalin kastana kumanaan saacaddo cusub ah ayaa la hawl galiyaa ama la rakibaa kuwa badan oo gaboobayna waa la bedelaa, suurto gal ma aha in bixiyayaasha adeegga biyuhu "Wakaaladdaha” ay maareeyaan kheyraadka biyaha iyaga oon ogaan xadiga biyaha ah ee ay soo saaraan iyo xadiga biyaha ah ee ay iibiyaan.
Saacadaha biyuhu waxay leeyihiin faa’idooyin badan oo isugu jira kuwa toos ah iyo kuwa dadban, waxa aynu ka soo qaadan karnaa AFARTA UGU MUHIIMSAN. FAA’IDADA KOOBAAD: Cadaaladda "Equity” oo macnaheedu yahay in macmiilka laga qaado lacag u dhiganta biyaha uu isticmaalay, FAA’IDADA LABAAD: Madhxinta iyo tashiilista biyaha, maadaama saacadu qorayso hadba biyaha uu macmiilku isticmaalo waxa macmiilka ay ku dhiirigalinaysaa in uu xakameeyo xadiga biyaha uu isticmaalayo si kharashka biilka biyuhu uga yaraado, daraasado komishanka cilmi baadhista biyaha ee South Africa uu ku sameeyay shan dal oo Afrikaana kuwaas oo kala ah " Kenya, Tanzania, Ghana, South Africa iyo Morocco ayaa tilmaay in guryaha lagu xidho saacadu ay 20%-30% ka biyo isticmaal yaryihiin kuwa aan saacada lagu xidhin "metered household is 20%-30% lower than in unmetered ones”. FAA’IDADA SADDEXAAD: Ogaanshaha biyaha luma "water losses” saacaduhu waxay sahlaan in bixiyayaasha adeegga biyuhu "Wakaaladdaha” ay ogaadaan biyaha ka luma. FAA’IDADA AFARAAD: Maaraynta nidaamka biyaha "water system management”.
Sidaa awgeed haddii aan saacadaha biyaha loo maamulin si haboon waxay saamayn taban ama guracan ku yeelanaysaa dakhligii WAKAAALADAHA sidoo kale haddii si quman loo maamulo waxay kordhinaysaa dakhliga WAKAALADDAHA iyada oon culays dhaqaale oo dheerad ahi fuulayn macmiilkii.
Saacada biyaha oo ah aalad sahasha ogaanshaha xadiga biyaha ee la isticmaalay "to measure, is to know”. farsamo ahaan waxa ay ka kooban yihiin afar qaybood, QAYBTA KOOBAAD waxa la yidhaa SENSOR waa qaybta la socota ama baadha qulqulka biyaha, QAYBTA LABAAD waxa la yidhaa TRANSDUCER waxay gudbisaa qulqulka biyaha, QAYBTA SADDEXAAD waxa la yidhaa COUNTER waa qaybta wareegta marka biyuhu soo gaadhan waxaanay tirisaa mugga biyaha ah ee ka gudbaya, QAYBTA AFARAAD waxa la yidhaa INDICATOR waana qaybta muujisa xadiga biyaha ah ee dhaafay marka uu gaadho kun litir ama shan foosto, waana qaybta saacad akhriyuhu ka min guuriyo muga biyaha ah ee macmiilku isticmaalay bishii.
Dunida oo dhan saacadaha waxa loo aqoon san yahay aalad xaasaasi ah sidaa awgeed, isticmaalkooda waxa la waafajiyaa xeerar iyo heer tayeedyo loo dajiyey "legislation and standards” si loo dhawro xuquuqda macmiiilka "BULSHADA” iyo xaqa adeeg bixiyaha "WAKAALADDAHA”. Dalal badan oo aynu ku jirno waxa soo saarista biyaha kaga baxa kharash aad u badan. Tusaale ahaan magaalada Hargeysa oo biyaha qasabadu ugu yimaadaan Geed-deeble oo saddex boqol oo mitir ka hoosaysa Hargeysa waxa ku baxa tamarta naaftada oo aad u badan sidaa awgeed, si loo hubiyo in adeega biyuhu is daboolayo "cost recovery” waa in aad looga taxadiraa saacadaha biyaha oo ay noqdaan kuwa la hubiyay habsami u shaqayntooduna gaadhsiisnaataa heer tayeed la isla waafaq san yahay si looga maarmo ku shaqaynta habka qiyaasta "converntional metering system” oo ah nidaam ku dhisan cadaalad daro kana hor imanaya ujeedooyinkii ama faa’idooyinkii loo waajibiyey rakibaada saacadaha sida aynu xaga hore ee qoraalkeena ku sheegnay.
Runtii saacadaha biyuhu dunida oo dhan ma aha kuwo boqolkiiba boqol sax ah markasta waxa jiraya wax loo yaqaan METER ERROR oo ah farqiga u dhexeeya mugga biyaha ka gudbay saacada "actual volume” iyo mugga biyaha saacadu qorto "indicated volume, METER ERROR-ku hoos buu u dhacaa markasta oo socodka xadiga biyaha ah ee saacada marayaa kordhaan "FLOW RATE” sidoo kale METER ERROR-ku wuu kordhaa haddii biyaha gudbayaa yaraadaan "LOW FLOW RATE” markaynu eegno magaalada Hargeysa in badan oo oo xaafadaha magaalada ka mid ah xawliga ay biyuhu kaga gudbaan saacadaha ma aha mid sareeya sababo badan awgood.
Waxa aynu maqaaladeena danbe ku soo bandhigi doonaa, Nidaamka saacad bedelka ee ay ku baaqday Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo aynu si xogogaalnimo ah u iftiimin doono waxa uu bulshada uga dhigan yahay.
Waxa qoray: Cabdirashiid Maxamed Jaamac "Belel”
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...