Saddex Dhacdo oo Aan Suldaan Maxamed Cabdiqaadir (AHN) uga soo Joogay.

0
Sunday February 14, 2021 - 08:18:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Dhacdo oo Aan Suldaan Maxamed Cabdiqaadir (AHN) uga soo Joogay.

    Waxa qorey.........Liban Ismail Burale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qorey.........Liban Ismail Burale

1. 2014-kii dhexdiisii ayaan meher kaga qayb galay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo caruusku ahaa mid ka mid ah asxaabtayda, waxaana madasha joogay 8 suldaan oo uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Alle ha u baxariistee, markii meherkii dhammaaday ee sawirada barxada lagu galayay ayay salaadiintii kale Suldaan Maxamed ( AHN) ku yidhaahdeen maanta suldaan ducadii keen ku yidhaahdeen, isna intuu telefoon wacay ayuu ku yidhi akoonkaygii wax ma ku jiraan qofkiina wuxuu u sheegay in $ 8000 ( Sideed Kun ) ku jirto intuu jeeg la soo baxay ayuu u wada qoray lacagtii isaga oo Suldaankii ugu weynaa u dhiibay.

 

2. Dhacdada labaadna waxa ay ahayd goor fiid ah anniga oo Star super Market hor taagan ayuu Suldaanku galay meherada wixii uu u baahnaa markuu ka soo iibsaday ayuu arkay nin telefoon weyn oo qurux badan ku hadlaya inta uu ninkii salaamay ayuu ku yidhi telefoonkaas maad iska kay siin, ninkiina inta uu kaadhkii kala baxay ayuu siiyay isla markuu gaadhigii fuulay ayaa nin kale ku yidhi Suldaan telefoonkaas maad iska kay siin isla markiiba wuu u dhiibay weliba inta uu jeebada gaxabta galiyay ayuu u raaciyay lacag aanan cadadkeeda garanayn.

 

3. Arrinta Saddexaadna waxa ay ahayd nin aanu qaraabo nahay ayaa isaga oo Jarmalka jooga ayaa inan u fadhiistay iyaduna isla Jarmalka joogta markii la balamay ee ay odayaashu balameen ayay Inanta Hooyadeed diiday iyada ku dooday in Suldaan Maxamed oo dalka ka maqan aan inanteeda la bixinayn, sababta oo ah inanteedu markii ay tahriibtay in Suldaanka oo aanay garanayn u tagtay isagaa oo kharashkii Magafaha bixiyay Suldaanku iyo wixii kale ee ay ku ambaxaysay sidaas darteed loo sugo suldaanka, arrintiina waxa ay ku dhammaatay in Suldaankii lala hadlay oo uu yidhi hawsha ha la dhammeeyo ogsoonoow oo inanta iyo hooyadeedba hayb ahaan Suldaanka waxb iskuma ay ahayn .

  Alle ha haw naxariisto oo dambigiisii ha dhaafo.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...