Wasiir Axmed Toorno Ma Wuxuu Kaga Mashquulay Xil Ka Qaadis, Magacaabis Iyo Ku Naasnuujin
Wasiirka wasaarada waxbarashada jsl mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno Ayaa tan iyo intii la magacaabay waxa uu soo saaray Ku dhawaad 20 Digreeto oo uu ku magacaabayo Xilal Isla markaana Masuuliyiin kale xilal kaga qaadayo.
Hadaba marka loo eego mudada uu joogay ee sanadka ah iyo dig reetooyinka uu sameeyay waxa soo baxaysa in ay aad u kala badanyihiin taasina waxa ay cadayn u tahay In uu yahay masuulkii ugu magacaabista iyo xil ka qaadista badnaa ee soo maray wasaarada waxbarashada ama guud ahaan xukuumada Jsl waxa kale oo la yaab leh in masuuliyiinta uu magacaabay aanu siin waqti ay shaqo ku qabtaan oo lagu qiimeeyo, taas waxa cadayn u ah gudoomiyaha gobolka hawd oo uu xilka u magacaabay mudo laga joogo 5 bilood ka hor ayaa hadana uu ka qaaday 9-2-2021 waxa kale oo la yaab leh in uu magacaabay xilal aan micno ku fadhiyin bal se uu ku naas nuujinayo dad ehelkiisa ah, Tusaale waxa uu magacaabay u qaybsanaha waxbarashada UK UAE, La taliyaha Wasiirka ee xoolaha iyo beeraha ,Agaasimaha Suul dhabaalaha,waca kale oo uu hargaisa u sameeyay tirwba 3 gudoomiye iyo ku xigeenadooda,Waxa intaas oo dhan sii dheer in uu khal kahliyay guud ahaan systemkii wasaarada ee ay 30 sano ku soo shaqaynaysay ,waxa jaha wareer san Dhamaan shaqaalihii oo garan la waxa loo magacaabay iyo wax ay ka shaqeeyaan isla markaana ma hayaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan,
hadaba su,aasha is weydiinta leh waxa weeye wasiirku masuuliyadii ma wuxuu u arkay in kaliya marka uu wiig joogaba uu magacaabo masuuliyiin cusub qaarna xilka ka qaado??
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Muxuu ugu daawanayaa wasaarada hadii uu xilkeedii ka soo bixi waayay oo uu khal khaliyay ?????
Allaa mahad leh
Xasan Cumar Cabdilaahi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!