Ma Runbaa Inay Isbadashay Aragtidii Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Haystay Somaliland Iyo Soomaaliya...W/Q Maxamed Dhimbiil

0
Monday February 08, 2021 - 20:14:50 in Articles by
  • Visits: 2825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Runbaa Inay Isbadashay Aragtidii Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Haystay Somaliland Iyo Soomaaliya...W/Q Maxamed Dhimbiil

    Ma Runbaa Inay Isbadashay Aragtidii Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Haystay Somaliland Iyo Soomaaliya...W/Q Maxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Runbaa Inay Isbadashay Aragtidii Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Haystay Somaliland Iyo Soomaaliya...W/Q Maxamed Dhimbiil

Madaxwaynaha markii 5 naad u taagan doorashada Madaxwaynaha Djibouti Ismail Omer Ghuelle ayaa ahaa hogaamiye ku adag oo aad uga soo horjeeday madaxbanaanida Somaliland , kaliya intaasi kuma koobnayn ee waxa uu ka shaqeynayey dhismaha dawladii jamhuuriyadii Somalia taasi oo si dad ban u ahayd ma jirto Somaliland.
May be an image of 1 person and suit



Haddaba ilaa xiligii dawlada Djibouti oo tacab badan galisay jamhuuriyada federalka Somalia ay gashay heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee Ethiopia- Somalia- Erateria ayaa waxa muuqata in wax weyni Djibouti iska soo badeleen siyaasadii ay ku waajahaysay Gobolka Geeska Africa , gaar ahaan soomaalida.

Laga soo bilaabo shirkii Djibouti ee wadahadalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federalka Somalia june 14 2020 oo ay dabada ka riixaysay dawlada maraykanku sidoo kale Ethiopia iyo Djibouti ay wax ku lahaayeen ayaa waxa soo muuqday in Djibouti ka soo calool go'day ama aanay muuqan rajadii 29 sanadood ay Somalia mid ah in dib loo arko ahayd.

Arimahani oo isa soo tarayey ayaa muuqday dhowaan markii gudigii dhex-dhexaadinta Kenya iyo J.F Somalia oo ay Djibouti gadhwadeen ka ahayd war bixin soo saareen iyo waxii ay ku arkeen xadka Kenya iyo Jamhuuriyada federalka Somalia, sida xaal yahay iwm , war bixintani waxa sida fiinta uga qayliyey dawlada Farmaajo .

Xiligani oo guud ahaan gobolka ay ruxayaan dabaylo siyaasadeed, culeysyo dal walba gudihiisa ka jira , doorashooyinka soo socda ee Ethiopia, Somalia, Djibouti , Kenya, iyo Somaliland oo aan la garanayn wax ka soo bixi doona , xaalada Ethiopia ee Gobolka Tigray, xiisada colaadeed ee xuduudka Sudan iyo Ethiopia, Xiisada Somalia iyo Kenya , Arinka biyo xidheenka Ethiopia ee saameynta ku leh Masar iyo Sudan.

Iyo waliba siyaasadaha iyo danaha dawladaha shisheeye ee ku wejahan gobolkani oo hirdan iyo loolano adagi ka socdaan ayaa waxa muuqata in aan xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Africa iyo bariga Africa sidoodii ahaan doonin , sidoo kale dalal badan mawqifkoogii ku waajahnaa Geeska Africa gaar ahaan arimaha Somaliland iyo Somalia ay wax weyni iska badeleen.

Waxaana si dhab ah ay arimahani u soo wada bixi doonaan marka laga gudbo doorashooyinka guud ahaan Gobolka Geeska Africa ku soo waajahan iyo waliba qaabka looga gudbo oo isagu muhiim uu yahay in ay nabadgalyo ku dhacaan .

Arimahani waxa ay nooleynayaan ama dardar galinayaan qadiyada madax banaanida jamhuuriyada Somaliland oo uu 30 sanadood caalamku ka dhago adaygay sidoo kale aanu aduunku u cadaalad sameyn labadii gobol ee ku midaysnaa jamhuuriyadii Somalia ee 1 july 1960 , oo kala noqday 18 may 1991 Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada federalka Somalia oo wali aduunku dhisme dawlad cagaheeda isku taagta ku wado.

Mohamed Abdi Jama

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...