Bari Yaanaynu Ka Qoomamayn Cida Aynu Bari Codkeena Siinayno

0
Monday February 08, 2021 - 10:20:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bari Yaanaynu Ka Qoomamayn Cida Aynu Bari Codkeena Siinayno

    W/Q:Cumar Axmed Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Cumar Axmed Cali

Inkasta oo nidaamka dimuqraadiga ee aynu qaadanay uu yahay mid aynu ka doorbidnay nidaamyo badan oo dunida hadda ka jira, hadana waxa muuqata in caqabadaha iyo mushkiladaha aynu ka dhaxalnay ay yihiin kuwo lugta jiidaya horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aynu gaadhno.

 

Waxyaalaha ugu weyn ee dhabaha ka leexiyay hadafkii iyo ujeedadii aynu u aas-aasnay nidaamka doorashooyinka madaxa banaan, wax kow ka ah, afkaarta qabyaaladda iyo siyaasada isxambaarsan ee gayigeenna sida dabaylaha u ruxaysa. Arrintaasi oo udub dhexaad u ah, mushkiladaha iyo kacaa-kufka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee innagu gadaaman.

 

Hadaba waxa uu maanta qoraalkaygan koobani daarran yahay, sidii aynu u soo xulan la hayn xildhibaanno iyo masuuliyiin gudan kara shaqada ay u igman yihiin, islamarkaana bulshadooda ugu adeegi kara hufnaan iyo daacadnimo.

 

Sida aynu ognahay, ummadaha ka faa’iiday nidaamka doorashooyinka madaxa banaani waxay ku bineeyaan, masaaliixda iyo danaha ay leeyihiin oo badhax la’. Qofka ay shaqo u diranayaanna waxay ku qiimeeyaan aqoontiisa, kartidiisa, hufnaantiisa, khibradiisa iyo aragtidiisa.

 

Innagu se, waynu ka duwan nahay oo waxaynu ku qiimeynaa, qolada iyo reerka uu ka soo jeedo. Taasi oo ah, eesha iyo xudunta ugu weyn ee uu ka xagal-daacayo habsami-u socodka hanaanka dimuqraadiyadeed ee aynu hirgalinaynaa.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxay xaqiiqdu tahay in ay maanta inna horyaalaan fursado iyo jaanis dahabi ah oo u baahan in aynu si waafiya uga faa’iidaysano, ugana baaraandagno cidda aynu codkeena siinayno, si aynaan barri uga qoomamoonin najiidada iyo midhaha ka soo go’a, ficilka aynu maanta samaynayno.

 

Sidoo kale, qastiga iyo ujeedada ugu weyn ee aynu doorasho madax banaan ka leenahay waa, in ay shacabku gacantooda ku soo doortaan cid hanan karta masuuliyadda iyo ammaanada loo dhiibayo.

 

Waa masuuliyad iyo xil inna saaran, in aynu si dheer iyo si dhowba uga fikirno, cidda aynu maanta codkeena siinayno, inaga oo waliba, si ildheeriyi ku jirto u fiirinayna mustaqbalka iyo aayahà dalkeena.

 

Waa nasiibdarro iyo talo-xumaan innagu habsatay, in aynu maalin walba beelaysi iyo reernimo ku keeno, kuwii ugu liitay, ugu aqoonta liitay, ugu aragtida liitay, uguna musuq-maasuqsanaa. Sidoo kalena aynu doorasho kasta ka dhaxalno uurkutaalo iyo niyad-jab.

 

Ugu denbeyn, waxaan ku talin lahaa in aynu qaadno seddexdan talaabo ee soo socda;-

 

1)talaabada koobaad; waa in aynu bulsho ahaan garwaaqsanaa, in aanay kada-loob iyo fadhi waxba innoogu hagaagaynin, islamarkaana ay daruuri tahay, in la abaabulo bulshada qaybaheeda kala duwan, laguna dhiiri-galiyo in aanay beeluhu soo xulanin, cid aan ehel iyo aqrab u ahayn, xilka iyo masuuliyadda loo dhiibayo.

 

2) talaabada labaad; waa in xisbiyada lagu cadaadiyo in aanay ku darin liisaskooda xubnaha uga qaybgalaya doorashada soo socota, shaqsiyaad àan la hayn astaamihii iyo shuruudihii looga baahnaa qof u adeegi kara bulshadiisa.

 

3) talaabada seddexaad; waa in aynu dhexda u xidhanaa sidii aynu gabi ahaanba meesha uga saari la hayn qaabkan aynu hadda wax ku doorano ee ah beelaysiga iyo qabyaaladda, si loogu guuro qaab ku dhisan dagmo iyo gobollo.

 

 

 

Cumar Axmed Cali

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...