Nuxurka Buuga (Hayaan) Cabdilaahi Beershiya Q/1aad.

0
Sunday February 07, 2021 - 10:24:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Buuga (Hayaan) Cabdilaahi Beershiya Q/1aad.

    Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin

Qoraaga Buuga Hayaan ee dhawaan dhashay Cabdilaahi Beershiya waxa uu daah furayaa baal baahi badan iyo hammuun bulshadu u qabto in badana la surma seego sida loo abaarayo, taasi oo dunida oo dhami ka siman tahay sidaa daradeed wax jira khubaro badan oo wakhti iyo fikir galiyay sida ummad loogu hayaamiyo hayaan barkhadeed oo aan haadaan loogu dhicin.



Sidaa daraadeed cilmi baadhisyo iyo daraasado qoto dheer oo ku qotama sida ummad u hinqato ama isku badasho ugana guurto goob aanay mahadin una guurto guri barwaaqo waa wadadda ama dhabaha laydhka ay culimadaasi ku goobayaan si ummadahooda ugu bayaamiyaan si dhabahaasi cagta loo saari lahaa.


Raacdadaasi  waxay keentay isku dayo farobadan oo dabka gaaska ku sii shiday  oo umadihii ugu sii dara oo hoog iyo halaag u horseeda, halka kuwa diirada iyo daraasada cilmiga ku dhisani ay ku abaaraan halbeegyo la miisaamay oo cabirkooda iyo yoolkooduba shiraban yihiin.


Taasi oo Sidii guulo badan oo dunida dulyaala lagu keenay loona abaabulay iyo waddooyinkii loo maray ee ugu sahlanaa, ugu dhawaa uguna fududaa  ku balaysimayaan nuxurka buugu taasi oo uu qoraagu ku sidkay dhacdooyinkeenii waddaniga ahaa gaarkana inoo ahaa.


Haddaba buugani waxa uu soo bandhigayaa daraasadahaasi oo lagu badhxay dhacdooyinkeena gaarka inoo ah ummaddena iyo tijaabooyinkii aynu soo marnay kuwaas oo qaar togan iyo kuwa taban lahaa, waana arrinta  xiisaha u yeeshan buugan.


In uu daraasadahaasi waafajiyo waaqaceena iyo sooyaalkeenii taariikheed oo kooban una qaabaysan qaab qaaciidooyin oo  abaaraya ubucda iyo udub dhexaadka kama kacdadah ah ee barkhad lagu gaadho ama ummadi ku hungowdo oo dalaw haadana ka shalwato sida looga foojignaan lahaa.


Buugu wuxuu u qaybsan yahay ilaa 180 tusmooyin qaab qaaciidooyin u yaala  ta ugu horraysa haddii aynu abaarno  iyo sida uu hordhaca buugu tilmaamaayo wuxuu yidi qoraagu. Bulshooyinka aduunka ku dhaqani waxay leeyihiin xanuuno kala duwan oo kaga dhaca dhinacyo badan oo noloshooda ka mida ah, xanuunada iyo caqabadaha ugu waawayn ee meelo badan ay waddaagaan waxa ka mida ah caqabado ka haysta dhinaca dhaqaalaha, siyaasada, maamulka, diinta iyo isirinimada.


Waxa uu qoraagu hoosta ka xariiqay haddii cida hinqashaqada waddaa si dhaba u fuliyaan ajandahooda ku aadan dib u sixida wacyigooda waxay arrintaasi keentaa in bulshadu si fudud u qaadato ama u qaabisho, markasta oo isbadalku hayo dariiq ummada u danaynaya wuxuu noqdaa  mid bulshadu ku kalsoontahay.


Wuxuu qoraagu tusaale u soo qaatay is badalka ama kacaankii yurub ka dhacay kaasi oo dadkoodu ku noolaayeen wakhtigaa dulmi, ismaqiiq, diin la’aan iyo maamul xumo baahsan waxay horumarka maanta muuqda ku talaabsadeen ka dib markii ay soo baxeen dhaqdhaqaaqyo isbeddeldoon ah oo garbaha iyo tunka ku qaaday mashaariic iyo hammigii dadka reer yurub lahaayeen.


Dhacdooyinkaa isbadal waxa uu qoraagu u tilmaamay in ay aakhirkii keentay in dalalka reer yurub qaybsadaan qaarado dhan oo adduunka ka mida iyagoon  waxba iskaga tiring cid kale waxa uu tilmaamayaa gumaysigii baahsanaa ee dunida ku dhacay iyo wixii suurtagaliyay.


Qodobada uu qoraagu buuga ku qaadaa dhigayo waxaa kamida

·         Dhaqadhaqaaqa isbadaldoonka ah iyo qaybaha bulshada ay ku dhex nool yihiin.

·         Dhaqdhaqaaqayada isbedeldoonka ah iyo saddex-goosoodka lama taabtaabka ah Isir, Diin, iyo Afka

·         Dhaqdhaqaaqayada isbedeldoonka ah iyo tirade dadka ku dhaqan gobolka ay ku noolyihiin (wadddankooda iyo waddamada dariska la ah)

·         Dhaqdhaqaaqyada isbedeldoonka ah iyo ilaalinta taariikhda ummaddahoooga.

Waxa xigi doono idamka Allaah qaybta 2/laad. Buuga Hayaan Soo ururintii : Axmed Cali Kaahin


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...