Danaha Is Diidan Iyo Tudhaale La'aanta Dalka.
Marka aad furto il wareed: adiga oo doonaya inaad dhagaysato xaaladda guud ee dalkaaga iyo war iyo wacaal waxa jira, isla markaana aad tahay qof Soomaali ah oo jooga dalka gudihiisa ama debadiisa. markaba waxa dhagahaaga kusoo dhacaysa war dhiilo leh, oo sheegaya inuu dalka ka jiro khilaaf xoogan oo ay abuurtay dano isa seegan iyo ujeedooyin iska soo horjeeda oo u dhexeeya dad kooban oo ku magacaaban madaxda Soomaaliyeed.
Haddaba haddii aad maqasho waxa jira khilaaf u dhexeeya madaxda Soomaalida: waxa aad ogaataa in waxa la isku hayo aanay ahayn wax ay dalka dani ugu jirto lknse ay tahay dano gaar ah oo is diidan (Conflict of interest) iyo ujeedooyin aan sal iyo raad toona ku lahayn horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Been idin ku haasaawin maayo ee qof walba oo Soomaali ah waxa uu mar walba idaacadaha wararka tebiya iyo muuqaal baahiyeyaasha kala kulmaa warar sheegaya: hebel ayaa hebel diidan, kooxda dan gaar ah iyo kooxda dan gaar ah ayaa wada socda, waxa isku koox ah hebel iyo hebel, sidoo kalena waxa la isku hayaa doorashada iyo kuraasta gobol hebel iyo gobol hebel iyo shirkii waa lagu kala kacay.
Isla markaana Hebel ayaa debada uga baxay shirka, hebelkii shirka ka baxay ayaa warbaahinta hadda la hadlaya, isaga oo sheegaya in danihiisa la diiday oo aanay wax dani isaga ugu jirin is-fahamka iyo heshiiska. sidoo kalena waa la isku soo maslaxayaa oo beesha caalamka iyo shisheeye ayaa isku soo celinaya mar kale, amar ayaa hebel la siiyay oo waxa la faray inuu yeelo sidan iyo sidan, waxana loo yeedhinaya qodobo ay dani ugu jirto dadka isku xilqaamay danahooda ee la magac baxay beesha caalamka iyo IWM.
Isku soo wada xooriyoo waxas oo dhan waxa abuuray oo kiciyay dano gaar ah iyo dhacdooyin isa seegan oo ay badankooda dabada ka riixayaan dano shisheeye oo dad gaar ahi u adeegayaan. Waana halkii uu ka lahaa Abwaan, Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim), AHUN: "Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye, Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kale'e.
Ujeeddo badan ayaa la yidhaahdaa markaas oo kale.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!