Sidee Ay Isku Yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Beesha Caalamku ?

0
Thursday February 04, 2021 - 10:06:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ay Isku Yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Beesha Caalamku ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama
MA DHAB BAA IN XUKUUMADA SOMALILAND EE UU GADHWADEENKA KA YAHAY MADAXWAYNE BIIXI CADAADIS IYO CUNAQABATAYN BEESHA CAALAMKA AHI SAARAN TAHAY ILAA INTII UU TALADA DALKA HOGAAMINAYEY ?


Waxa la dareensanaa sanadihii ugu dambeeyey oo dhan in aan wada shaqeynta beesha caalamka iyo diblomaasiyiinta dalalka aduunka iyo xukuumada jamhuuriyada Somaliland aanu wanaagsanayn ,  sidoo kale ururada caalamiga ah sida UN ka laftoodu oo khilaaf taagan yahay in badan.



Haddaba sidee ay wax u jiraan ? Siyaasadii caalamku kula macaamili jiray Jamhuuriyadii Somalia wax weyn ayaa iska badelay ilaa intii Farmaajo la doortay sanadkii 2016 kii , waxa kaliya ee ay xukuumada Federalka Somalia ku dedaashay in ay ka shaqeysiiso magacii Jamhuuriyadii Somalia ee kala noqotay Somaliland iyo Somalia oo ay caalamka ku sanduleyso in cunaha loo qabto oo la tolo Somaliland.


Isaga oo xaal halkaasi marayo ayaa waxa dhacay dagaalkii dawlada Jamhuuriyada Somaliland ay hore ugu socotay qaybo ka mid ah dhulkii Somaliland ee Tukaraq , sida ku xusan mapkii 1884 ee isticmaarka ee Somaliland , amaba xuduudkii Somaliland British protectorate 26 june 1960 , oo ah ka loo aqoonsan yahay in uu yahay xuduud rasmiya sida Africa ay isla qaadatay 1963kii.


Dagaalkaasi waxa ay diblomasiyiinta beesha caalamka ee muqdisho fadhiya iyo dawlado badani ku taliyeen in wadahadal lagu dhameeyo oo Somaliland iyo Somalia laba Madaxwayne kawada hadlaan , dhawr goor ayaa telefoon lagu xidhiidh siiyey laakiin may suuroobin in heshiis la gaadho aan aheyn in aan dagaal dambe dhicin.


Waxa jiray in beesha caalamka dalal ka mid ahi Madaxwayne Biixi u soo jeediyeen in uu Tukaraq dib uga soo noqdo , isaguna uu diiday oo uu yidhi xuduudkii dalkayga ayaa waliba badh iga maqan yahay oo ma yeelayo , halkani waxa Somaliland ay kala kulantay cadaadis iyo cunaqabatayn adag oo aduunku saaray xukuumaduna qarsatay oo gaws dambeedka qaniintay.


Xaga diblomasiyada marka aad qaadayso talaabo ay caalamka wax kaaga soo noqon karaan waa in aad marka hore leedahay saaxiibo adag oo kugula qanacsan arinkaaga oo hadhow ku difaaca , waana wadiiqo caalamiya oo aduunku isla yaqaano Somaliland na ay hore ugu dhaqmi jirtay laakiin ay wax badani is badeleen oo horeba Somaliland oo Buhodle ciidamadeeda gaysay ayaa lagu amray Madaxwayne Siilaanyo in uu deg-deg dib ugu soo celiyo.


MAXAA CUSBAA EE JIRAY HADABA SANADAHA UGU DAMBEEYEY?

Beesha caalamka iyo hay'adaha caalamiga ahi waxa ay siyaasadeeyeen dhaqaalihii ay siin jireen Somaliland oo ay yidhaahdeen Somalia hoos taga oo waliba wasaarad waliba wasaarada ay la shaqada tahay ee mashaariicda la fulinayo ku shaqada leh ha hoos tagto, arinkani Somaliland waxa uu ku noqday waji Gabax iyo in ay laba mid noqoto;


1- In xukuumadu dhaqaalo doon noqoto oo ay Somalia hoos tagto maadaama caalamku ka xaglinayo Somaliland.


2- In ay go'doon noqoto oo ay ku mitido qadiyadeeda iskana ilaaliso wax kasta oo dhaawacaya.

Arinkaasi dambe ayey xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi qaadatay waxaana ay kala xidhiidh furmeen beesha caalamka iyo diblomasiyiinta Muqdisho jooga oo raba in ay Somaliland ula macaamilaan gobol Somalia ka mid ah , tanina waxa ay keentay in wax waliba xanibmaan.


Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu way qarsadeen arinkani waxaana uu ka mid yahay culeysyo dhaqaale oo dal iyo dad ba la dareemayey 4 ta sanadood ee xukuumadani joogtay, in badan ayaa ay hadalka Madaxwaynaha marwalba ku jirtaa aynu isku tashano si aynu cid kale uga maarano , waxaana ay ka mid ahayd khudbadiisii ugu  dambaysay caalamku dhaqaale yar iyo dawaro yaanu inagu gumeysan.


Dadka intooda badani xaaladaha siyaasadeed iyo halka la isla marayo maadaama aanay waxba ka ogeyn waxa ay ku jaah wareereen hadalka Madaxwayne Muuse Biixi ee siyaasada Somalia oo intii badnayd intuu talada hayey ahaa luuqad adag oo uu ku weerarayo Somalia iyo hadalo dadku ay fahmi waayaan waxa uu uga jeedo maadaama uu badan yahay waxan loo yaqaan duurxulka fagaaraha arimaha dibada (public microphone diplomacy ).


Waxa ugu badan ee arimahani u muuqan waayeen waxa weeye Madaxwayne Biixi waxa uu ku mitiday in uu gudaha dalka mucaaridka xod-xoto si aan duufaanadii barigii xukuumadii Udub qaaday ee mucaaridadii gudaha iyo cadaadiskii beesha caalamku isugu raacin, arimaha culeyska ugu weyn ku hayaana waa doorashooyinka oo dunidu eegayso iyo sida ay xukuumada Biixi uga dabaalato. 


Image


Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...