Hargeysa: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Haween Taageero Ka Dalbanayey

0
Wednesday May 01, 2019 - 16:15:46 in News by
  • Visits: 4398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Haween Taageero Ka Dalbanayey

    Hargeysa: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Haween Taageero Ka Dalbanayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa: Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Haween Taageero Ka Dalbanayey


Hargeysa(HWN):-xukuumada somaliland ayaa xabsiga ku gurtay haween tiradoodu gaadhayso 30.




Haweenkan oo iskugu soo baxay shaaricyada Hargeysa ayaa xukuumada somaliland ka dalbanayey inay ka taageerto sidii loo soo furdaamin lahaa ubad ay dhaleen oo ku xidhan dalka Liibiya, balse dawlada ayaa kaga jawaabtay inay xabsiyada ka buuxiso isla markaana xoriyadooda ka qaado.


Haweenkan isku soo baxay ee taageerada ka doonayey xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa sitay boodhadh ay ku soo xardheen halku dhagyo ay taageero kaga dalbanayaandawlada.


Halku dhagyada ay haweenkan hooyooyinka ahi soo bandhigeen ayaa waxa ka mid ahaa "Waxaan ka codsanaynaa dawladda sharafta leh inay wax nagala qabtaan sidii aan uga soo saari lahayn dhalinyarada godka madow ee Liibiya ku jirtaā€¯.


Xukuumada ayaan ilaa hada shaacin sababta xabsiga loogu guray haweenkan iskugu soo baxay taageerada ay ka dalbanayeen xukuumada.



Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/Somaliland

 

Loading...
Loading...