War Deg Deg Ah:-Wasiir Iscasilay Oo Soo Bandhigay Sababaha Ku Kalifay

0
Wednesday May 01, 2019 - 15:42:56 in News by
  • Visits: 7147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Wasiir Iscasilay Oo Soo Bandhigay Sababaha Ku Kalifay

    War Deg Deg Ah:-Wasiir Iscasilay Oo Soo Bandhigay Sababaha Ku Kalifay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Wasiir Iscasilay Oo Soo Bandhigay Sababaha Ku Kalifay


Muqdisho(HWN):-Wasiirka warfaafinta dawlada federaalka ah ee soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey dawlada raysal wasaare Khayre.




Wasiir Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta keentay inuu iska casilo xilkii uu ka hayey dawlada soomaaliya ay tahay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo soo kala dhexgalay madaxda sare ee dawlada isla markaana uu go’aansaday inuu xilka ka dego.


Wasiir Geelle ayaa sidoo kale sheegay in mudo ku dhaw sanad oo uu ka mid ahaa xukuumada raysal wasaare Khayre ay u suurta gali wayday inuu aragtiyaha siyaasiga ah ee uu qabo ku biiriyo dawlada isla markaana ay u fududaatay inuu iska casilo xilkii uu hayey.


Wasiirka iscasilay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in dawlada ay ku kala duwanaadeen siyaasada arimaha dibada ee ay xukuumadu isticmaalayso iyo qaabka ay u wada shaqeeyaan maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaanu cadeeyey in go’aanka uu hada gaadhay aanu ahayn mid uu ku deg degay balse uu mudo ka fiirsanayey.


Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...