Waar Dadkan Maxaa laga Yeelayaa, Bal ka soo Talo Bixiya Saaxiibayaal! Proff Cabdi Cali Jaamac

0
Tuesday January 26, 2021 - 13:44:10 in Articles by
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waar Dadkan Maxaa laga Yeelayaa, Bal ka soo Talo Bixiya Saaxiibayaal! Proff Cabdi Cali Jaamac

    Waar Dadkan Maxaa laga Yeelayaa, Bal ka soo Talo Bixiya Saaxiibayaal! Proff Cabdi Cali Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waar Dadkan Maxaa laga Yeelayaa, Bal ka soo Talo Bixiya Saaxiibayaal! Proff Cabdi Cali Jaamac
May be an image of 1 person



Waar Dadkan Maxaa laga Yeelayaa, Bal ka soo Talo Bixiya Saaxiibayaal! Proff Cabdi Cali Jaamac
Hordhac: Kalmad canaan ah!

Ku: Saaxiibada halkan iigu jira ee aamusan:

inta badan waxba naguma darsataan; tiradiinuna aad bay u badan tahay; bal maanta soo gala; haddii kale waxan idin waydiiyay shar iyo khayr toona kama hadashaane, maxaa ka dawo tihiin; ma anaguu baad nagula dhuuqdaan! Horta maxaa ilaashataan ama ka habrataan; waynaa danta aad ilaashataan ee qidhim idinka siisay mise yaqiinta ayaa idinku yar! markii intii wax kala garanaysay aamustay waxa Social Media hii qabsaday kuwan laga cabanayo ee wax ma garatada ah!
Maxaa Laga Yeelayaa.

Qof baa fikir soo dhigaya; wuu arkayaa in aanu kaftamayn qofkani ee ay ka dhab tahay; halkii uu dhinaca kale iska taagi lahaa haddii uu ka soo horjeedo fikirkan ayuu qofkii isku qaadayaa: wali akhlaaq xumo ka wayn! Asalkaba haddii uu qofka meesha iigu jiraa noocaas noqdo in yar baan sii wada joognaa, maxaa yeelay saaxiib (friend) ma noqon karaan laba qof oo is-xag-xaganayaa, laakiin saaxiib way noqon karaan laba qof oo kala ra'yi duwani!

Markii aan in badan ka fikiray ujeedada ay leeyihiin dadkaasi, waxan ku soo ururiyay:
1-In uu diidan yahay fikirka aad soo dhigtay; diidmadaasi waxay keenaysaa in uu adiga ku maago ama ku yidhaa inta aad waxaa ka hadlayso, maad waxaa iyo waxaa ka hadashid; xaq ma u leeyahay taas?! Badwgu shaw badaw uun! Ujeeddo macnaha wuxu ku leeyahay maxaad u soo qortay waxan; waa yaabe, waxa ka sii daran adiga ayuu kugu eedaynayaa in aanad ogolayn xoriyadda hadalka; hadda wixii aad soo dhigtay ba ka hadli maayo ee adiga ayuu isku kaa soo qaadayaa sidii aad isaga marti uga tahay fikirkaaga ama mawduuca aad ka hadlayso; waxana ku filayd in uu dhinaca kaleba iska taago wixii aad soo dhigtay oo uu kugu khilaafo isaga oo aan adiga shakhsi ahaan ku eedaynba!! He is so manipulative!

2-Wuxu ogyahay in waxan aad soo dhigtay yihiin wax jira ama fikir macquul ah, waxanu ka baqanayaa in dadku qaataan ama la dhacaan fikirkan, markaa waa in uu ka shakisiiya dadka oo uu yidhaa sidaas iyo sidaas buu u jeedaa ama ciddaas buu u jeedaaye (very insecure)! Halkaana waa nin la dagaalamaya runta iyo fikirka fiican; haddii uu awood leeyahay qofkaasi afka ayuu inna qaban lahaa; wuxu hadalka u ogolaan lahaa kaliya qofka sheegaya waxa uu doonayo, ee waliba u sheegaya sida uu doonayo (very selective). Walaalayaal, waa in aynaan u habran dadka caynkaas ah! waa dad ay ka buuxdo shaydaanimo (very develish); immisa qof baad u malaynaysaa oo xaqa sheegi lahaa ayay sidaa ku sameeyeen oo habraday; immisaa sidaa xaq ku lumay, bal qiyaas! ma ogyihiin in uu yahay nidaamkani ka lagaga faa'iidaysto ee nacasyada kali-taliyayaasha ahi ay isticmaalaan; xaqiiqadu waxa weeye in uu dadkani ka xun yihiin kali-taiye kasta!

3-In uu yahay ba qof cid u shaqaynaya ama ilaalinaya cid uu taageero; lacag ha qaato ama yaanu qaadan! Kuwan waan aqaanaa maxaa yeealay khibrad igu filan ayaan u leeyahay immika. Calaamadaha lagu garto dadka noocan ah waa:

1-maalinta kaliya ee aad arkaysaa waa marka aad ka hadasho arrin ama qof ay gaadh ka hayaan; wax faallo ah kugu darsan maayaan maalmaha kale.

2-way is habar-wacdaan; mid baa arkaya; wuxu mention garaynayaa kuwii kale ee ay ku wada jireen shaqada si ay faallo jikaar ah u dhiibtaan! waa sababta loogu bixiyay Cayayaanka Baraha Bulshada!

3-inta badan faallo nuxurkeedu isku mid yahay ayay dhiibtaan, erayadu haba kala duwanaadaane!
4- ta ugu danbaysa waa dabeecaddii lagu yaqaanay; mawduuca aad soo dhigtay inta ay ka baxaan ayay adiga isku kaa soo qaadayaan! waxayn isku dayayaan in ay sheekada qofeeyaan ama geliyaan halkii xilka lahayd ee ay hore u eedeen!
Cabdo; Alle ha soo hadeeyo dadkaas!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...