31 May Makula Tahay In Doorasho Dhacayso W/Q Nuuradiin Diini

0
Tuesday January 26, 2021 - 13:19:57 in Articles by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    31 May Makula Tahay In Doorasho Dhacayso W/Q Nuuradiin Diini

    31 May Makula Tahay In Doorasho Dhacayso W/Q Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

31 May Makula Tahay In Doorasho Dhacayso W/Q Nuuradiin Diini

May be an image of 1 person, beard, suit and outerwear


31 May Makula Tahay In Doorasho Dhacayso W/Q Nuuradiin Diini

Komishanka doorashooyinka qaranku waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyeen in ay doorashada ku qaban karaan 31 bisha may.
taasi oo ah mid ay ka baaraan dageen sida ay sheegeen, 16Kii bisha ayay qoraalkaasi soo saareen.

sida uu dhigaayo xeerka guud ee doorashooyinku waxa waajib ah in 15 cisho gudahood Madaxweynuhu ku waajibiyo digreeto kama dambaysa ama ku waafaqo ama ku diido.
Maanta bishu waa 26, muddadii 15ka cisho ahaydana waxa ay ku eegtahay 31ka bishan aynu ku jirno kaliya waxa hadhay 4cisho oo aanay maantu ku jirin.

Cᴀǫᴀʙᴀᴅᴀʜᴀ ᴛᴀᴀɢᴀɴ.

1- Mudada sharciga ah ee ay hore guurtidu ugu mudaysay koradhsiimada muddo xileedka baarlamanka waxa ay ku eegtaahay 12/1/2020, waxaana macquula in doorasho la qaban karo 28/11/2021. taasi oo ah muddo sharci ah ee ay ku fadhiyaan waxaana mihiima in lays weydiiyo maxaa laga yeelayaa? guurtidu muddo kordhintoodaa hore miyay ayidayaan, mise wey burinaysaa?
Aniga sida ay ila tahay ma jirto sabab loo fool eryo doorashada, guurtiduna muddo kordhintoodaa hore wey ayidayaan, oo ku adkaysanayaa.

2 Madaxweynuhu maadaama oo uu doorasho qaban karro, Ma waxa uu u gudbinayaa Maxkamada Sare si ay ugu ogolaato in uu doorasho qabto 31 bisha Shanaad? mise waxa uu aqbalayaa wixii guurtida ka soo baxa?

aniga waxa ii muuqata in Madaxweynuhu aqbalaayo wixii ka soo baxa guurtida.
iimana muuqato sabab loo galo muran sharci oo horleh maxakamada sarena loo aado, mar haddii wakhtigu kooban yahay oo 15kii cisho ku eeg yihiin 31bisha.

3- Madaxweynuhu muxuu doonayaa ama uga qorshaysan doorashada? Aniga waxa ay ila tahah in ay isku doonis yihiin guurtida. Qorshihiisuna yahay kaa 28ka november.

4 waxa kale oo isna meesha yaala qodob kale oo mihiima kaasi oo ah in aan wali lahayn dhaqaalihii ay ku talo galeen reer galbeedku in ay inagaga caawiyaan doorasbooyinka inta aan ogahayna waxa ay imanayaa bilowga bisha soo socota, in dhaqaale la helaana waa mid aad u mihiima. Maadaama oo ay dawladu bixisay lacagtii diwaangalinta waa lagama maarmaan in lahelo taageero dhaqaale.
Fahamka aan ka hasto siyaasada Somaliland wuxuu ii sheegayaa in ay doorashadu ku qabsoomi karto muddadii ay hore u astaysay guurtidu. Caqabaduhuna yihiin kuwaasi kor ku xusan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...