Qoraa Soo Bandhigay Habdhaqan Liita Oo Uu Kala Kulmay Wasiirkii Xilka Laga Qaaday Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada

0
Tuesday January 26, 2021 - 12:11:07 in News by
  • Visits: 2940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraa Soo Bandhigay Habdhaqan Liita Oo Uu Kala Kulmay Wasiirkii Xilka Laga Qaaday Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada

    Qoraa Soo Bandhigay Habdhaqan Liita Oo Uu Kala Kulmay Wasiirkii Xilka Laga Qaaday Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraa Soo Bandhigay Habdhaqan Liita Oo Uu Kala Kulmay Wasiirkii Xilka Laga Qaaday Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada

Wasiir Hore Hinda Jaamac Xirsi: Iftiiminta Suaal Hore, Aragtida Ah In Qof Geeriyooday Wax Laga Qoro+ Naqdiga Lix Ka Mid Ah Weedhaheeda!


Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo ka jawaabaysa maqaal aan qoray 2dii Jeneweri 2021ka ayaa 12kii Jeneweri 2021ka ama toban cisho kaddib oo ahayd markii xilka laga qaaday tidhi "Gahayr wuxuu i weyddiiyay in aan buug ka bixiyo waa run. Waa run, laakiin isweyddiinta meesha taallaa waxa ay tahay "Buugga yaa lahaa? Buugga miyaan akhriyay, oo waan eegay waxa gudihiisa ku yaalla?” .
Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta kormeer Ku tagtay xarunta xidhiidhka ururada shaqaalaha rayidka ah Somaliland labour unions Org{SOLLUO} – MESAF

Dhammaan bulshadayda qiimaha badan waxa aan u sheegayaa; buugga wuxuu iigu sheegay Gahayr inuu leeyahay qof dhintay oo gabadh ahi. Qofkuna sida aynu ognahay wixii aan sadaqo soconaysa (jaariya) ahayn in loo kaydiyo oo qof dhintay laga daba geeyaa ma habboona.

Maaddaama oo isagu buugga aanu lahayn, ee gabadh dhimatay ay leedahay, meytaatkuna aanu hadlin oo aanu ha la ii qoro iyo ha la iga daayo midna aanu odhanayn, anna buugga aanan akhriyin, oo inuu ajar ku yaallo iyo in uu dembi ku yaallo, midna aanan garanayn, sidaas aawadeed, anaa bixin waayay buuggaas. Waxa aan leeyahay, qofkii qof wax weyddiisanaya isagu afkiisa ha ku weyddiisto ama qof nool ha ku weyddiistee, waa halkii la lahaa dad dhintay ayaa codeeyay’e”

Dad badan, gaar ahaan saxafiyiin ayaa isoo weyddiiyay in aan ka jawaabayo, laakiin waxa aan uga cudurdaartay inaanu jiri doonin muuqaal aan haweenay ugu jawaabayaa. Waxa goaankaygu ahaa in aan qoraal ku gorfeeyo marka aan haleelo.

Maanta oo laba toddobaad malaha laga joogo kolkaas ay hadashay ayaan dib u milicsan doonaa naqdiga weedhaheedii, iftiimin ku saabsan suaal ay hore iigu bandhigtay iyo aragtidayda ah in qof geeriyooday wax laga qoro. Ugu horrayn waxa aan Wasiir Hore Hinda Jaamac Xirsi ka raalligelinayaa in aan u bandhigay ka-qayb-qaadashada wax ka sarreeya heerkii ay garan karaysay.

Mar labaadka, qofka geeriyooda ee magaca leh waxa lagu xusaa wixii uu ifka kaga tegay samaan iyo xumaan. Saw lama qoro xadiisyadii Nebi Maxamed SCW, sooyaalkii saxaabada iyo kuwo kale?. Soomaali ahaan saw lama qoro suugaantii abwaannada, taariikhdii siyaasiyiinta iyo mahadhooyinka indheergaradka geeriyooday?.

Haddii aan lahaan lahaa habfekerkeeda ama aan maqli lahaa taladeeda, waxa aan faraha ka qaadi lahaa maanta
1. SAMOTALIS: Taariikhdii iyo Tala-nabadeedkii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf
2. Gardaadshe: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
3. Miisaanka Maansada: Daahfurkii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Maalmaha aanu kulannay Wasiir Hinda Jaamac Xirsi waxa ay kol i weyddiisay "Tolow maxay diintu ka qabtaa in qof dhintay wax laga qoro?”. Waxa aan ku idhi "Waxa ay diintu innagu guubaabisaa inaynu xusno wanaagga dadka innaga dhintay. Abwaanadda oo nool ayaannu ku ballannay in aan buuggan qoro. Imakana waxa ila wada qoyskeedii. Wax dhib ah ama gef ku ah marxuumaddu kuma jiraan. Waad akhriyi kartaa, waa kaas. Suugaanta u badani waxa ay ku saabsan tahay xuquuqda haweenka”.

Ereyada ku jiray hadalka ay warbaahinta ka tidhi, ee aan ka hal-celinayo, sababayna ka-dabataggu waxa ay kala yihiin:

1. "Gahayr wuxuu i weyddiiyay in aan buug ka bixiyo”: Ma aad ahayn keligaa cidda bixinaysay, waa laguu sheegay inaad ka mid tahay dadka loo bandhigay. "Waxan gaadhsiin doonaa haweenka kale ee wasiirrada ah iyo Ururrada haweenka” ayaad tidhi. Mana aad fulin ereygaas.

2. "Buugga wuxuu iigu sheegay Gahayr inuu leeyahay qof dhintay oo gabadh ahi”: Waan ka xumahay inaad garanayn magacii hormoodka haweenka gabyaaga ah ee Soomaalida iyo kuwa Soomaalilaan, kuna celin maayo sheegisteeda. Eebbe ha u naxariisto.

3. "Qofkuna sida aynu ognahay wixii aan sadaqo soconaysa (jaariya) ahayn in loo kaydiyo oo qof dhintay laga daba geeyaa ma habboona”: Marwo Hindaay hadalka fiicani waa sadaqad. Gabayada ku qornaa ee nabadda, waalidnimada iyo qiimaha haweenka ahi waa kuwo waxtar leh.

4. "Anna buugga aanan akhriyin”: Adiga ayay dhaliil kuu tahay akhris la’aanta buug gacantaada soo galay. Taasi qiil ma noqonayso, waxa ku qornaa Af Soomaali ayuu ahaa. Malaha kicinta higaadda ayaa kugu adkayd.

5. "Anaa bixin waayay buuggaas”: Wasiir haddii aad judhaba tidhaahdo "Bixin maayo buuggaas” ma cid ayaa qori kugu haysay?. Maxaa ila meeraysada sannadka ah ku geliyay?. Haddii uu warkaagu u caddaan lahaa sida aad u hadashay markii xilka lagaa qaaday, yaa kugu warwareegi lahaa. Goaankaaga warbaahinta ayaan ka arkay, iima aad sheegin.

Maqaalkaygiina waxa aad kaga jawaabay inaad digniin shaqo u qorto qofkii isku keen xidhay. Laakiin shan cisho kaddib markii aan qormada faafiyay ayaa xilkii lagaa nasiyay. Hore uma aad gaadhin goaan ah inaad bixin weydo oo haa/maya ah, aniga ayaa saxeexday qaraar ah inaan codsigaygii la laabto, welibana dhegaha ka furaystay ergo rabtay inaan qoraalkayga hore tirtiro ama waanwaan ka galo.

6. "Waxa aan leeyahay, qofkii qof wax weyddiisanaya isagu afkiisa ha ku weyddiisto ama qof nool ha ku weyddiistee”: Wasiir, Ilaahay shidaalna ha ka dhigo’e ma ay jirin wax kale oo lagu weyddiisan lahaa. Waxa laguu soo bidayna waa haweennimo. Adiga oo sidaas yeelay, waxa aan haddana ku arkayay adiga oo xilwareejintii wasaaradda caddaalada ka lahaa "Way yar yihiin haweenka shaqaalaha ah ee wasaaraddu”. Kollay isuma kay qabanayaan labadaasi.

Maaddaama oo aad hadda shacab tahay hagardaamo aan kugu xusayaa ma jirto. Ugu dambayntii, waxa uu buuggi u gudbayaa madbacadda Hiil Press 1da Feberweri 2021ka haddii Alle idmo. In uu habboon yahay iyo inuu yahay wax aan meesha qabannin oo qallooc ahna waxa kala saaraysa ummadda insha Allah. Intaas ayaan ku koobayaa toosintayda.

Siciid Maxamuud Gahayr

Loading...
Loading...