Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadihii Cigaal Iyo Rayaale Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Qabo Aqoonsi Ay Somaliland Hesho

0
Tuesday January 26, 2021 - 11:50:55 in News by
  • Visits: 2955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadihii Cigaal Iyo Rayaale Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Qabo Aqoonsi Ay Somaliland Hesho

    Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadihii Cigaal Iyo Rayaale Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Qabo Aqoonsi Ay Somaliland Hesho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadihii Cigaal Iyo Rayaale Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Madaxweynaha Jabuuti Ka Qabo Aqoonsi Ay Somaliland Hesho

Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha debada somaliland Proff Maxamed Siciid Gees ayaa soo bandhigay mawqifka uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka taagan yahay aqoonsi ay hesho somaliland.
Prof Gees oo soo Jeediyey Qorshe Dawladda Turkiga Kalsooni lagaga Kasban Karo - Somaliland Post



Proff Gees oo lagu waraysanayey barnaamij ka baxa telefishanka MM Somali Tv ayaa sheegay in wakhti uu wehelinayey Madaxweyne Rayaale oo safar ku jooga wadanka Jabuuti ay madaxweyne Geelle u si cad u waydiiyeen caqabadaha hor taagan aqoonsiga somaliland.

Proff Gees oo ka waramaya qaabkii uu madaxweyne Geelle u bixiyey jawaabta su,aashii la xidhiidhay aqoonsiga somaliland ayaa waxa uu yidhi "Ismail Omar Geelle Waanu laqayilnay Waliba marfashkiisa ayaanu kula qayilnay aniga madaxwayne Rayaale iyo wasiir Cabdilaahi darawal waxaanu waydiinay Ismaaciilow aqoonsiga maxa naga hor taagan?

wuxuu noogu jawaabay "Anigu Idin Ictiraafi Maayo, Anigu Soomaliban Heshiisin, Miyaad igula Coloowbaysaan Soomaliya ha Heshiiso, Ha Igula Coloobina, Anigu Soomaliban rabaa, Somaliland Ma Rabo, Idinka Iyo Soomaliya ayey Idiin Taala hadaad kala Baxaysaan".

jawaabta uu bixiyey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee uu shaaciyey wasiirkii hore ee arimaha debada somaliland Proff Maxamed Siciid Gees ayaa soo bandhigaysa halka uu ka taagan yahay aqoonsiga somaliland iyo sida aanu marna raalida uga ahayn in dalka somaliland uu mar kale ka mid noqdo wadamada caalamka ee xubinta ka ah qaramada midoobay.


Loading...
Loading...