Aabaa Yaabay:- Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Waydiistay Suudh...W/Q Qaasim Xasan Mataan
Aabaa Yaabay:- Kuwii La Magacaabay Oo Waalidkood Waydiistay Suudh...W/Q Qaasim Xasan Mataan
Caruurtii uu shalay Madaxweynuhu xilalka u magacaabay mid ka mida ayaa Aabihii ku yidhi.Aabo Madaxweynuhu Xilbuu ii magacaabay oo Aqoonyahanada waaya araga ah ee xilalka loo magacaabay baan ku jiraa.Odaygii baa yaabay.Inankii baa hadalkii ku celiyey markasu Odaygii ku yidhi Aabo Madaxweynaha halkeed isku barateen ee uu kartidaada aqoontada iyo waaya aragnimadada ku arkay.
Inankii baa hadalka Aabihii dhibsaday oo habeenimadii oo dhan ka seexan waayey.Markuu waagu baryey ayuuu Hooyadii u tagay bariido ka dib.inankii baa Hooyadii ku yidhi HOOYO AABA YAABAY ee maxaa jira.Hooyo shalay unbaad Jamacada Golis ka baxday malina shaqo maad tagin.hadana Madaxweynihii wuxu Wareegtada ku so qorey.MARKAAN ARKAY AQOONTIISA.KARTIDIISA KUNA QANCAY WAAYA ARAGNIMADIISA.Hooyo Aabaha kalmadahasaa ka dhaadhicila.
Inankii baa soo booday markaasu yidhi Sawniga Face book ga Madaxweynaha daqiiqad walba ka amaana ee Wadani ka caaya ee Inamada Madaxweynaha og jooga amaana.Hooyo Aabahaa waa Mutacalin Waayeel ah oo Xilka Umada loo qabanayo culayskisa garanaya.Hooyo Anigaba FB Madaxweynaha ka amaana oo qofka soo hadal qaada ka caaya ee waxa la Magacaabay qaar aan Face Book ba lahayn oo maalina Madaxweynaha aan Amaanin oon Wadani Somali weyn ku sheegin oo Hooyo dadkii oo dhan baa ku waa sida lo magacaby la yaaban Hooyadii baa ku tidhi de haddaa Hooyo AABAHAA IYO UMMADOO DHAN BAA YAABAN.
La soco Qaybta Labaad
Qore Qaasim Hassan Mataan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...