Maxaa Sababay In Nidaamkii Siyaasadeed Ee Dalku In Uu Dib Ugu Noqdo Habkii Beelaha ?
Somaliland waxa ay soo qabsatay sadex shir beeleed oo caan ah oo qaranka lagu dhisay oo leh mudnaantooda iyo qiimahooga , kuwaasi oo kala ahaa shirkii beelaha ee magaalada Burco 1991 ee lagaga dhawaaqay qaranka jamhuuriyada Somaliland looguna ogolaaday in SNM ay talada dalka hayso mudo laba sanadood ah , shirkii Borama 1993 ee lagu soo dhisay xukumadii madaxwayne cigaal laguna sameeyey axdi qarameedkii dalka lagu dhaqayey inta dastuur laga gaadhayo iyo shirkii Hargeisa 1997 oo mar labaad lagu doortay madaxwayne cigaal la iskula gartayna in dastuur dalka loo sameeyo loona gudbo nidaamka axsaabta badan.
Dastuuurkii la soo bilaabay 1997 waxa la dhameystiray 2001 waxaana la dhaqan galiyey in loo gudbo nidaamka dimuqaradiyadeed ee ururada iyo axsaabta badan oo isla sanadkaa dastuurkii la dhaqan galiyey jideeyey lana aasaasay ururadii siyaasada ee ugu horeeyey , dalkana laga qabtay doorashadii ugu horeysay ee nidaamkaasi cusub 2002.
Haddaba waxa isweydiin leh waxa 20 sanadood ka dib nidaamkii beelaha loogu noqday oo kaalintii xisbiyada meesha ka saaray , iyada oo ujeedada axsaabta siyaasadeed loo sameeyey ay ahayd in lagaga gudbo nidaamka beelaha oo loo guuro nidaamka ururo iyo axsaab aragtiyo iyo mabaadii dadku ku midoobaan ?
Sida
ay xeerarka iyo shuruucda dalku dhigayaan waxaa ay ahayd in kaalinta
axsaabta siyaasadu si toos ah uga muuqato oo ay u shaqeyso , waxaana uu
xataa xeerkan ugu dambeeyey ee doorashadu xeer lr 91/2020 sheegayaa in
axsaabtu ay sameystaan gudiyo u xulaya murashaxiinta goleyaasha
deegaanka iyo golaha wakiilada .
Hore dalka waxa uga taagnaa murug badan oo la isku haystay xildhibaanka golaha wakiilada ama deegaanka kaalinta uu xisbigu ku leeyahay aragtida iyo mabadiida uu aaminsan yahay ama lagu shaqeynayo ee goleyaasha lala tagayo , sidoo kale yuu u xisaabsan yahay ayaa la isweydiinayey ma reerkii soo doortay mise xisbiga uu ka soo baxay.
Haddaba waxaa isweydiin leh axsaabtii siyaasada Somaliland maxaa kaalintoodii ka saaray , goormaa se dalku dib ugu noqday nidaamka beelaha ee laga soo gudbay mudo hore ?
Waa suaalo u baahan in jawaabo loo helo , oo shacabka jamhuuriyada Somaliland ku qanci karaan xili laga joogo 20 sanadood markii uu soo bilaabmay nidaamka ururada siyaasadeed iyo axsaabta siyaasadeed ee dimuqaradiga ahi , xukuumadihii iyo dawladihii mudadaasi dalka u kala dambeeyey miyey gaadhsiin kari waayeen in bulshada loo dhiso hab ka duwan qaabkaa hore .
Maxaa diidaya in maanta loola badheedho axsaabta siyaasada ee jirta in la yidhaahdo waad ka gaabiseen kaalintii xisbinimo , mudada idiin hadhayna waa mid kooban ee ururadii siyaasada hala furo ?
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!