Barta Afsoomaaliga Barta Q,9aad

0
Monday January 25, 2021 - 08:45:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barta Afsoomaaliga Barta Q,9aad

    AROWEELLO Maqashee Habartaasi yey ahayd?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AROWEELLO Maqashee Habartaasi yey ahayd?

Waxa Sheekooyinka  Soomaalida kamid ah oo Laga sheekayn jirtay in Xilli Taariikhihii Hore ah, ay Haweenay la odhan jiray Aroweello Boqorad Ka ahaan jirtay geyiga ay Soomaalidu degto, Taas oo Raga adoonsan Jirtay oo Tacadi iyo Hagar-daamo u gaysan jirtay oo xitaa layidhi Sida Xoolaha ayey raga u  Dhufaani Jirtay!, Haweenkana way kaalmayn jirtay ama Ka Dhigi Jirtay kuwo raga Ka sareeya oo Maamula!, Sheekada Aroweello waan baadhay oo aan Baadhay, Af, Dhaqan iyo Taariikh midnaba Kuma hayo, ma jirto Ruux Haween ah oo Boqorad Ka ahaan Jirtay Dhulka Soomaalidu degto hadda, Sidoo kale majirto Taariikh ay Ku xusantahay in Rag iyo Haween dadkii degi jiray dhulka Horteen Colloobeen oo dumarku raga ay adoonsadeen, waa sheeko Xarriireed Maaha wax Sal iyo Raad Leh, sikastaba ha ahaatee Waxa wax Jira ah oo aanu Muran Ka Joogin in Haweenay lagu naanaysi jiray Aroweello ay Jirijiray!, Afsoomaaligu waa Af ah Taariikh Qabad, sidaa awgeed sheekooyin ay Soomaalidu Ka sheekeeyaan waxbaa Ka Jira!, inkastoo Dadka Soomaalida ahi Wax Jira bedbedalaan, waxaan jirina ay Buunbuuniyaan oo wax Jira Ka dhigaan, yaalaa wax Laga sheekeeyo ee sheeko ah, waxay yihiin mid sheeko la Curiyey ah iyo mid dhacday oo sideedii loo mariyo, sidoo kale waxa Jirta sheekooyin si Guracan loo mariyo Si badheedh ah, si Taariikh Xumayn iyo Sharaf Rid loogu Gaysto Ruux taariikhda Ku xusan,  iyana waxa Jirta in sheekooyin la buunbuuniyo oo qof waxba-yahay ah la damco in wax Laga Dhigo, waxa se HUBAAL ah Taarkhdii jirta, inaan cidna qarin karahayn, Sikastaba ha ahaatee Aroweello Tuma ayey AHAYD? Ileen Magacaa hajiro waa Duco, Sidaa awgeed Waxa wax ilaahay lagu Mahadiyo ah, Magaca Aroweello waa Naanays, sidaa awgeed war-sugan oo waafi ah, ayuu ina siinaayaa waxa Haweenaydan Aroweello, looyidhi Aroweello!.

 

Erayga Aroweello waa maxay? Erayga Aroweello waa Eray Magac Naanays ah, oo Ruux Haween ah lagu Xaman jiray!, Waa hagaag, Su'aasha Xigtaa waxa weeye, Erayga AROWEELLO maxuu Ka dhigan yahay ama macnihiisu uu yahay?, Erayga Aroweello = Caro-weello = Caro-weerto = Arlada-tii-weerweegaartay = Carada-tii-deegaamaysay ama Guriyeysay.

 

Halkaa waxa Ku cad Haweenayda Aroweelo lagu Naanaysi jiray in aanu magaca ama naanaysteedu aanay Ka Markhaati kacahayn waxa lagu sheegaayo, ee ah Boqorad iyo Axmaqnimo, Laakiin waxaynu Ka daalacan karnaa magaceeda inay wax soo kordhisay, waa hagaag, Bal Haddaba aynu eegno Taariikhihii Hore in Haweenay Wax Soo kordhisay ku xusantahay,

 

Haddaynu Taariikhda dib uraacno, waxa Jirtay Haweenay Wax Soo kordhisay Wakhti hore oo aad u fog, Magaceedii Runta ahaa Ciddi Mahayso, Haseyeeshee Waxa La hayaa Magacii ugu Baxay waxay Sookordhisay, Waa Habartii HOOYO la odhanjiray,

 

Bal si aynu isbarbardhig ugu samayno Habartii HOOYO iyo Aroweello, Waa in aynu eegnaa Habartii HOOYO ahayd waxay soo kordhisay DHaqan iyo Hab-nololeed.

 

Habarta HOOYO Waxa ay nooleed kuna kacaantay xilli Collaad daba-dheer Carada Ka jirtay, oo u dhexeeyey qabiilka ay kasoo jeeday oo ahaa Lo'laydii ugu Horaysay iyo Reerka ay u dhixi doonto oo ahaa Lo'laydii Dhexe, oo iyagu ahaa Huwan ama dhowr Reer oo Isku Jira, isir ahaana kasoo jeeda Lo'laydaa ugu horaysay ee Dirirtu Ka dhaxayso, Hooyo waxay ahayd Ruux dumar ah oo aad Fariid u ah, waxa ahayd Ruux Ka aragti dheer Rag iyo Dumar Dadkii la Wakhti ahaa, Waayo Hooyo Waxa ay noqotay Ruux u guntata sidii collaadaasi usoo afjarmi lahayd, illaahayna shinbir ayuu uga dhigay, waanay ku guulaysatay, Waayo? HOOYO waxay ahayd Gabadhii ugu Horaysay ee Godob-reeb noqota, Hooyo Waxa ay bedeshay DHaqankii xumaa ee dadku Kala haystay wakhtigaa, Kaas oo ahaa in Reerka ay kasoo jeedo ay ahaayeen Reer isla-weyn oo reeraha kale yasa, sikastaba ha ahaatee HOOYO waxay Hormood u noqotay isbedel Ka curtay dadkii Collaadu daashatay, HOOYO waxa ay noqotay Shaqsi Haween oo dhami Ku daydaan, HOOYO waa Habartii Bilowday Buulka, ee Fartay Haween oo dhan in aanay waxba Ka sugin Ragan isku muuqda ee meelna Kala tageen ee ismadhinaaya, HOOYO waa Habarta Soo kordhisay in Haweenku Ubadkooda HOY u dhistaan ay Ku koriyaan, Halkii wakhtigaa ay ahaan jirtay in Ninku markuu Gabadh Guursado uu Gurigii qoyska uu kasoo jeedo gayn jiray, HOOYO waxay ahayd Gabadhii erayga Walaal Afka kusoo kordhisay, HOOYO waa Gabadhii dhulka Buulka kawada taagtay ee Carada Deegaamaysay, ee dadka Wax Isku ahaansho Ku BEERTAY, Waayo, Hooyo Waxa ay Haweenkii Ku dayday Fartay Ku koriya Haweenow ubadkiina in ay walaalo yihiin ILMO kastoo Hooyo Dhashay, halkaana waxa Ka Dhashay Dhaqanka wanaagsan ee DHaqanka HOOYO layidhaahdo iyo Afka, isna layidhaahdo Afka HOOYO,

 

Hadaba Halkaa Waxa inooga cad in Habartaa Aroweello lagu sheegi jiray ay Habartii HOOYO la odhanjiray Tahay!.

 

Waxa Hadaba isweydiin Mudan Ruux waxaas oo wanaag ah samaysay sidee ayey Ku dhacday in Taariikhdeedii wacnayd inta la aaso, Taariikh xun in loo sameeyo?  Waxaas waxa Ka danbeeya Soomaalida!, oo Sidee ayey uga danbeeyaan? Taa waxaynu u baahanahay in aynu eegno Waxay Soomaalidu ahaan jireen iyo Waxa Magacoodu yahay,

 

Soomaalidu waa Ayo? Xagay kasoo jeedaan? Magaca Soomaali Muxuu Ka Macno yahay ama Ka dhigan yahay?

 

Magaca Soomaali Waxa uu Ka dhiganyahay ama macnihiisu yahay………….....lasoco Taxanaha.

Fuad Fartaag

Arday Looxle

25-01-2021

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...