dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Jabhad kenya hubeysay ay weerar ku qaaday gobalka Gedo
dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Jabhad kenya hubeysay ay weerar ku qaaday gobalka Gedo
Muqdisho(HWN):-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in jabhad fallaago ah isla markaana dowladda kenya ay hubeysay ay u soo tallowday xuduudka Soomaaliya ayna weerar ku qaaday gobalka Gedo.War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarkaas oo ay ku tilmaanta dowladdu mid sharci darro ah.
Warka ka soo baxay dowladda oo uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sidaan u dhignaa.
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho January 25, 2021, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay.
Waxan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ek u dhisan is xaq dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo. "Faahfaahinta warkaas waa idinla soo wadaagaynaa".
Cismaan Abokor Dubbe Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hadallkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali uu khilaaf diblumaasiyadeed oo meel sare gaaray uu dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
XigashoBBC-Somali
Loading...
Loading...