Aqoon Baa Wax Ku Ool Leh Ee Ku Dooro Xildhibaan-Kaaga ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday January 24, 2021 - 20:10:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Aqoon Baa Wax Ku Ool Leh Ee Ku Dooro Xildhibaan-Kaaga ( Abdi-Shotaly).

    "Waa nin aqoon yahan ah, oo garanaaya shaqadda uu qabanaayo iyo waxa laga rabo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa nin aqoon yahan ah, oo garanaaya shaqadda uu qabanaayo iyo waxa laga rabo"



Ummad yahay dardaaran waa inta xayga la yahay, in kaste oo aan weli la hubin, in ay doorshadda golayaasha deegaanka iyo xildhi-baanadda la qaban doono, oo ay ku xidhan tahay Golaha guurtidda kolba sidda ay u arkaan iyo is waafajinta mudo kordhinta iyo qabashadda labadda doorsho ee is xambaarsan. Hadiiba-se ay u dhacaan sidda la sheegaayo, waxan maanta idiinka digayaa in aad mar kale u jabtaan kuwii halkaas idin dhigay, oo uu ka mid yahay " Carfaaye" Waa ka uuska buuran ee Hargaysa ka ah maayarka asakriga dhulka u booba iyo dulinka ku hoos noole. Maanta jaanis baad haysa-taan dahabi ah, oo aad ku bedeli kartaan kuwii dalka iyo dadka baabi'iyey, ee ka faa'iidysta oo doorta kuwo dalka iyo dad-kaba u daacad ah, haddii kale miyaa mar kale baad farta dhexdda ka qaniini doon-taan.

 

Akhristaw Intaas dabadeed, Waxan halkan idiiinku soo gudbinayaa in aad doora-taan aqoon yahan Maxamed Cabdilaahi Kahin, oo u sharaxan Golaaha xildhi-baanadda Somaliland ( Waa baarlamaanka'e). Kuna soo dhawaadda hibadda Eebbe ku manaystay " Xildhi-baan Maxamed Cabdillaahi Kahin:-

(a) Maxamed waa nin ehelul diin ah, oo aan been, daba ka wareeg, munaafaqad, xoolo ka dhaqo oo hantidda ummadda boob iyo khiyaamee dadkii ku soo doortay mid-na aan aqoon,

(b) Waa nin daacad u ah dalk-kiisa iyo dad-kiisa oo Alle ka baqa iyo balan fur-kana aan qoon, kuna dhaqma siddii diin-teenu inoo sheegtay.

( c) Waa nin Ku dhaqma, oo ilaaliya, sidii-sana u fuliya Distoorka iyo Sharciga dalka u yaala oo aan xoololagu sasabanayn.

(d) Waa nin aqoon yahan ah, oo garanaaya shaqadda uu qabanaayo iyo waxa laga rabo, mansuul ah oo aan marna idinku wacad furayn.

(e) Waa nin dalka iyo dadka jecel oo raba in uu horumar gaadhisiiyo, kana qabto kuwa khaladka ku wadda ee u soo shaqo tegay.

(f) Wuxu ahaan jirey "Xidhiidhiyaha guud ee "Qaaradda yurub u fadhiya Xusbiga Waddani"

(g) Wuxu imikadan yahay "Gudoomiyaha Xusbiga Waddani ee Dalka Sweden" Waa nin aad ku badhaadhi doon-taan hadii Alle idmo, oo idinka saari doono, musus-maasaqa, eexdda, qabyaaladda, cadaalad darradda, boobka, oo ilaalin doona hantidda ummadda, ee dhayalka ay inta yari ugu tagri falayso siday doonto iyo mid lagu shaqaystaa.

(h) Ma ha Nin qabyaalad iyo reer hebel u xeebta, ee waa isugu mid ummadda " Reer Somaliland meel ay joog-toba, una naxriista inta jilicsan, isaga oo aan beel-beel u kala saarayn.

(i) Waa nin ay ku dheer tahay, kuna dhinta magaca Somaliland, oo aan cidi u soo marayn.

 

Waxan maqaalkan ku soo dabray, hees uu qaadi jirey (Ihun) Maxamed Mooge, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Wixii aan hore u eeday haw laaban miyey is eegtay" Wixii hore ilaw oo dan-taadda iyo jiri taan-kaaga tix geli. Hore baad u eedeen, oo aad fartiina dhexdda uga qaniin-teen, adiga oo u xeeba-naaya kanaa i xiga, oo aad reer hebel u eersa-teene, maanta baa tallo kula gudboon-tahay, waa haddii aad rab-taan in ay cidhibi idinka hadho, oo aad wax taransa-taan, kana soo waaqsa-taan wixii idin gaadhay. Waxan muwaadin kugula talinayaa Dooro Maxamed Cabdilaahi kaahin, oo ka sharaxan "Gobolka Maroodi-jeex" Una sharaxan Golaha Baarla-maanka. Waa kii aydin u baahnay-deen, marxaladan adag ee aad ka nuuxsan weydeena, idinka saari lahaa, waa kii aad ku nasan lahaydeen, dib-na idiinku soo celin laahaa sharaftii iyo xushmaddii ay baabi'iyeen Kuwa imika ina hor boodayaa, ee aan hunguri mooyee wax kale ka shaqay-nini. Maanta ku fara adayga kuwo idinka naxayaa, oo ha doora-nina kuwa ay calooshoodu foostadda leekaatay, ee maxaad xadaa mooyee, arin kale-ba aan aqoon, waa tuugta ina rogtaye.

* N.B Wixii Aaan Hore U Eeday Haw Laaban Miyey I Seeftay"

Qore;- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...