Golayaasha Wadanka, Fartaada Ha Eedsan (Don't Blame Your Finger)
Dal walba adduunka waxaa ka taliya golayaal ay soo doortaan iyo kuwo cid u igmani u magacawdo, golayaashaas waxaa ka mid ah kuwa deegaanka (councillors), kuwa wakiilada (parliamentary) iyo golaha guurtiga (senators), dhammaantood xilal kala duwan ayay u hayaan dadkooda, waxayna u fidiyaan ama mas’uul uga yihiin adeegyo kala duwan oo ay u qabtaan bulshooyinkaas soo doortay ama xilalka loogu kala magacaabay.
Wadan waliba waxa uu deegaankiisa ku doortaa shuruudo isaga u gaar ah waxaana inta badan ugu muhiimsan inuu ugu yaraan noqdo murashaxu 18 sano jir, kana diiwaan gashanaado kuna nool yahay aagga laga soo dooranayo. Waxaa kale oo shardi inta badan looga dhigaa inuu halkaas ku leeyahasy hanti maguuraan ah ugu yaraan 12 bilood ka hor doorashada.
Kaalinta xildhibaanka ayaa isugu soo ururaysa
hoggaaminta bulshada iyo la shaqaynta deegaanka laga soo doortay,
mas'uuliyadaha korka ka saran waxaa ka mid ah: matalaadda qaybta laga soo
doortay iyo go'aan ka qaadashada arrimaha khuseeya horumarinta deegaankaa isaga
ah oo ay ka mid yihiin:
· Arrimaha nadaafadda iyo qashin ka basrinta bulshada iyada oo la raacayo hab aqoon ku dhisan oo aan ahaynd xashiishka meel ka qaad oo meel kale oo deegaanka ka mid ah ku daadi, arrintani uma fududa gole deegaan aan adeegsanayn khibrad iyo aqoon fiican oo ku saabsan sida deegaanka loo maamulo
· Waxbarashada, sida inay ku shaqeeyaan ilma kasta oo gaadhay da’dii waxbarashadu inuu helo fasal iyo macalin, haddii aanu markaas jirinna in loo hawl galo oo lagu shaqeeyo siyaasaddii lagu gaadhi lahaa mudada ugu gaaban
· Jidadka deegaanka laga soo doortay oo ay xil iska saaraan sidii looga dhigi lahaa kuwo loo mari karo si nabad galyo ugu jirto gaadiidka iyo dadkaba
· La shaqaynta bulshada ganacsatada deegaankaas iyo horumarinta danahooda ganacsi si ganacsigoodu u koro ama u badhaadho si ay faa’iido u sameeyeen una kordhiyaan fursadaha shaqo ee ay bulshadooda u abuuri karaan.
· Inay kaalmo dhinacyo badan u fidiyaan lana shaqeeyaan ururada iskood ugu adeega bulshada (local voluntary bodies) ee halkaas ka dhisan iyo sidii kuwo hor lihii uga hana qaadi lahaayeen deegaankooda.
· In dhammaan xubnaha deegaanku u raacaan ama u ilaaliyaan si aan tanaasul lahayn xeerarka shaqada ee xubnaha deegaanka u yaalla (code of conduct)
· Dhammaan waxyaabaha sare oo dhan waxaa looga gol leeyahay
in nolosha guud ee muwaadinka deegaanka kor loo qaado.
· Xildhibaan kastaa waa inuu ka gudbo baadhitaanada danbi la’aanta, asluub wanaagga iyo hawl karnimo la soo caddeeyay
· Ugu dambayn xubnaha deegaanku waa inay shaqadooda ay bulshada u hayaan ka helayaan mushahar ku filan oo ka baahi tiraya inay si sharci daro ah u qaataan hantida dadweynaha sida xatooyo, laaluush iyo ku tagrifal awoodda sharcigu siiyay.
Xildhibaannadu waa inay ka fogaadaan waxyaabaha bulshadu ku xamato sida
· Gaajo kaa dheer
· Galin hore dhereg
· Qaad aan ka dhergo dib laysoo dooran maayee
· Guri-fadhi xaafad walba lagu yeesho
· Shaqdaad ka tegaysaa hanti ka kala tag iwm
Baryahan dambe waxaa soo kordhaya cabashooyinka
ka imanaya golayaasha deegaanka gaar ahaanna golaha Caasimadda Hargeysa, waxaan
arkay oo aan daawaday barnaamij makarafoon lala dhexmaray dadwaynaha Suuqyada
Hargeysa, dadka waxaa la waydiiyay Maxaa lagu xasuusan doonaa golaha tegaya ee
mudda dhaafkiisii sii dhammaanayo?
Dadku afka ayay gacanta galiyeen, illaa 10 qof ayaa su’aalo la waydiiyay, illaa 8 waxay iska daba mareen guul darooyin ay taxeen sida: musuq, cadaalad daro, eexasho, karti la’aan, aqoon la’aan, xil-gudasho la’aan, balwado iyo dhaqan xumo, dadkaasi waa 80% dad waynaha wax la waydiiyay, 2 qof ayaa taageero ama wax qabad ku taageeray golahaas deegaanka ee sii dhacaya waana 20% dadwaynaha, taasina waa shacbiyad aad u hoosaysa, halkaas go’aanku waa guul-daro.
Taladu waa shacabaw tasho oo fartaada ha eedsan hana ku aakhiro seegin.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!