Dibadbaxyo lagu taageerayo Alexei Navalny oo ka socda dalka Ruushka
Dibadbaxyo lagu taageerayo Alexei Navalny oo ka socda dalka Ruushka
Hargeisa(HWN):-Dad gaaraya boqolaal ayaa xabsiga loo taxaabay xilli dibadbaxyo lagu tagaeerayo hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexei Navalny.
Booliska ayaa kala eryay dibadbaxayada ka bilawday bariga dalkaas, gaar ahaan gobolka Khabarovsk, xilli dadka lagu amray in ay guryaha ku nagaadaan.
Dad badan oo ay saaxiibo yihiin Navalny oo uu kamid yahay afhayeenkiisa iyo laba qareenadiisa ah, ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ka qeybgalayeen dibadbaxa.
Mr Navalny oo ah nin aad u dhaliila siyaasadda madaxweyne Putin, ayaa taageerayaashiisa adeegsada baraha bulshada waxay ku baaqayeen in laga qeybgalo dibadbaxayda la qorsheeyay inay ka dhacaan 60 magaalo.
Navalny ayaa xabsiga la dhigay Axadii lasoo dhaafay, xilli uu ka yimid magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, halkaas oo lagu daweynayay kadib markii la sumeeyay xilli uu safrayay bishii Agoost ee sanadkii hore.
Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa kaxeystay laamaha ammaanka ee dalka Ruushka. Mar uu arrintaas ka hadlay wuuxuu sheegay inay tahay tallaab lagu aamusiinayo isaga, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inay isu soo baxaan.
Navalny ayaa xabsiga la dhigay Axadii lasoo dhaafay, xilli uu ka yimid magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, halkaas oo lagu daweynayay kadib markii la sumeeyay xilli uu safrayay bishii Agoost ee sanadkii hore. Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa kaxeystay laamaha ammaanka ee dalka Ruushka. Mar uu arrintaas ka hadlay wuuxuu sheegay inay tahay tallaab lagu aamusiinayo isaga, wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay inay isu soo baxaan.
Ilaa iyo hadda maxaa dhacay?
Gobolada bariga fog ee dalka Ruushka, ayaa lagu soo warramayaa in marka hore ay ka bilawdeen dibadbaxyada, waxaase jira warar is khilaafsan oo ku aaddan inta ay gaarayaan taageerayaasha Navalny ee isu soo baxay.
Mid ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan, Sota ayaa ku soo warrantay in dad gaaraya saddex kun ay ka qeybgaleen dibadbaxa ka dhacay magaalada Vladivostok, haseyeeshee mas'uuliyiinta deegaanka waxay sheegayaan in tirada aysan intaas gaarsiisaneyn oo ay gaareyso shan boqol oo qof.
Muuqaalo laga soo duubay halkaas waxay muujinayaan in ciidamo boolis ah oo eryanaya dad dibadbaxaya. OVD Info, oo ah hey'ad madaxbannaan oo la socoto dibadbaxayada, ayaa sheegtay in 48 qof la xirayoo guud ahaan dalka Ruushka ah, kuwaas oo ay xireen booliska, waxaana kamid ah 13 lagu xiray Khabarovsk.
Mas'uuliyiinta dalka Ruushka ayaa ku hanjabay inay kala eryi doonaan, halka booliskuna ay sheegeen in dibadbax aan sharci ahayn iyo dandaansiga si adag looga jawaabi doono. Dibadbaxyo aysan dowladda oggoleyn ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan 60 magaalo oo guud ahaan Ruushka ah, waxaana ka mid ah caasimadda Moscow oo ay dad gaaraya boqolaal isugu soo baxeen.
Booliska ayaa waddooyinka bartamaha caasimadda ka sameeyay jid gooyooyin looga hortagayo dadka dibadbaxaya. Xaaska Navalny, Yulia oo dhawaan la socotay markii uu ka soo laabtay dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay ku biiri doonta dibadbaxa Moscow. Wasaaradda waxbarashada ee Ruushka, ayaa waalidiinta dalkaas uga digtay inay caruurtooda u diraan goobaha dibadbaxa.
Vladimir Ashurkov, oo ay saaxiibo yihiin Mr Navalny, ayaa BBC-da u sheegay in awoodda dadka ay sii koreyso. "Waxaan rajeeneynaa wax aan horay loo arag iyo mowjado dibadbaxyo ah oo bilaabmaya, istaraatijiyaddeenu waxay tahay mid ku saleysan falcelin, waa aynu arki doonnaa waxa maanta dhaca, hadidi ay ahaan lahayd inta qof ee soo baxa iyo gacan ka hadalka ay booliska sameyn doonaan, taas ayaanna ku cabiri doonnaa waxa aynu sameyn doonno mustaqbalka", ayuu yiri.
Xigasho:-BBC-Somali
Loading...
Loading...