Deni oo kulan la qaatay xubn ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka

0
Saturday January 23, 2021 - 09:24:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo kulan la qaatay xubn ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka

    Sidoo kale Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi





Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya.

 

Kulank u dhexeeyay Madaxweyne Saciid Deni iyo Safiir Stefan Tillander ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

Qoraal kasoo bnaxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay in Safiirkan Sweden uu boggaadiyey dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay.

 

Sidoo kale Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa 2021

 

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo la-taliyeyaal Madaxweyne .


Loading...
Loading...