Frexit: Fayraskii Midnimada Yurub Oo Sii Karaar-Qaadanaya!!

0
Saturday January 23, 2021 - 09:03:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Frexit: Fayraskii Midnimada Yurub Oo Sii Karaar-Qaadanaya!!

    W/Q: Muuse Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse Cabdi                                        

Waxa aynu hore u maqalnay ereyo ay kamid yihiin BREXIT, FREXIT waxaana aynu maqli doonnaa kuwo kale oo ay kamid yihiin GREXIT, SWISSEXIT iyo kuwayow kale haddii xaaladdu sidan sii ahaato. Waxaana ay macno ahaan u taagan yihiin waddanka magaciisa iyo Ereyga kale ee EXIT macnaheeduna yahay " ka-bixitaan” markaas FREXIT waxa ay noqonaysaa "FRENCE EXIT” oo lasoo gaabiyay.



Sannadkan 2021, waxa uu noqday sannad ay xubin muhiim u ahayd midawga Yurub ay gaar u istaagtay, balse ka bixitaankeedu muu sahlanayn oo waxa ay boqortooyada reer Ingiriis ay ku qaadatay muddo 4 sanno ah inay soo gabo-gabeeyaan mushruucii midnimada Yurub ee ay hore u sexeexeen, waxaana xilalkoodii ku waayay laba Ra’iisal-wasaare. Dunidu sannadahii lasoo dhaafay waxa ay aad u dhiirigalinaysay in la sameeyo midnimo dhaqaale, iyaga oo wadamadii ugu tunka waynaa ay kala sexeexdeen heshiisyo ganacsi oo aynu odhan karno qaaraddii Yurub waxa ay isku ahayd hal waddan oo kale marka la eegayo macaamilkooda. Aynu wada tashano, waxna wada lahaanno ayay Yurub hore ugu heshiisay, haddana isla iyagii ayaynu ka aragnaa shacabkoodii inay dalbanayaan xornimo dhaqaale inay helaan oo arimaha masayriga ahi uu iyaga ka yimaado.


Markii ay Ingiriisku ku dhawaaqeen natiijadii aftida ee ka bixitaanka Midawga Yurub, waxa iyagana laga dareemay kacdoonno hoose oo ay wadaan shacabka Faransiisku, waxaana aragtidooda la waydiiyay shacabku bal inay rabaan in afti laga qaado,waxaana ay 49% shacabka kamid ahi u codeeyeen in afti la qaado, si go’aan looga gaadho kasii mid ahaanshiiyaha amaba ka bixitaanka Midawga Yurub. Madaxweynaha faransiiska oo lagu tiriyo inuu yahay dadka aadka ugu ad adag midnimada Yurub ayaad moodaa inuu isaguna kasoo dabcayo heerkaas oo waxa uu isna usoo jeediyay Brussels in ay wax ka badal iyo xoojin ba ku sameeyaan heshiisyadoodii, waxaana uu ka gudooiyay haddii kale inuu sannadkan 2021 uu noqon doono wakhtigii ku haboonaa in go’aan laga gaadho kasii mid ahaanshiiyaha Yurub. Dhaqdhaqaaqanina waxa uu ka bilawday Baraha Bulshadu ku kulanto iyaga oo sameeyey Website ama Bar-kulan ay u bixiyeen Referendum-frexit.org, oo ah website-ka laga abaabulayo in afti laga qaado shacabka Faransiiska. Madaxweynaha hogaaminaya kacdoonkan oo la yidhaahdo Charles-Henri Gallois ayaa ku doodaya inay tahay qayb dimuqraadiyada kamid ah in shacabkoodu ay xaq uleeyihiin inay dareenkooda dhiibtaan, kana tashadaan mustaqbalkooda, waxaana uu si wayn ugu hambalyeeyey shacabka reer Ingiriis inay go’aan ka gaadheen arimahooda masiiriga ah, ayna xaq uleeyihiin inay xeerarka ganacsigooda iyo dhaqaalahoodaba gaar u go’aamiyaan.


Waxa ay sida oo kala madaxweynaha kacdoonku usheegay in saamiga ay tahay inuu Faransiisku ku daro midawga Yurub uu kor-u-kac uu ku iman doono kadib BREXIT-ka kaas oo qiyaas ahaan noqonaya  Bilyan oo lacagta Yurub ah, halka ay sannadihii hore ka ahaan jirtay 24 Bilyan oo Euro, hadda kadib waxa ay noqonaysaa 29 Bilyan oo Euro. Haddii lacagtan loo badalo mashaariic, waxa lagu dhisi kari 720 Cisbitaal, iyo tiro dugsiyo ah oo u dhiganta 1400 marka loo eego waxa ay lacagtani Faransiiska ka goyso, xogtanna waxa laga heli karaa website-kooda, Marka si kale loo eegona dunida waxa si baaxad leh u wajahay hoos-u-dhac wayn oo dhaqaale, taas oo sababay Xanuunka Karoona-Fayras kaasina xisaabta kama maqna.


Saamaynta ay yeelan doonto arintani haddii ay hirgasho Iyana maqaal kale Ayaan kasoo qori doonnaa bi’idnillaahi.

 

Email: [email protected]

W/Q: Muuse Cabdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...