Xisbiyada Oo Gudoomaya Musharixiin Beeluhu Tunka Ku Sitaan,Doorka Maqan Iyo Muranka Ka Dhexjira Reeraha
Hargeysa(HWN):-133 maalmood, ayaa ka dhiman wakhtiga ay Komishanka doorashooyinku u qorsheeyeen in ay dhacaan doorashooyinka muddo dhaafay ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo Komishankuna soo geba gebeeyey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka wejigii hore.
Iyada oo wakhti kooban ka hadhsan tahay doorashooyinkan isku sidkan, ayaa waxa weli is qab-qabsi iyo khilaaf ka jiraa murrashaxiinta Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, waxaana madaxa iskula jira Beelaha iyo jufooyinka hoose ee murrashaxiinta damac leh.
Salaadiinta iyo Waxgaradka Beelaha ayaa bilihii u dambeeyey ku mashquulsanaa kala reebista iyo la kala safashada Murrashaxiinta hunguraynaya in ay ka mid noqdaan golaha Wakiillada iyo Deegaanka, taas oo keentay khilaaf iyo buuq dibedda u soo baxay oo ka dhex alloosan Beelaha qaarkood.
Sidoo kale, waxa jira Beello ku kala qaybsamay cidda meteli doonta, kuwaas oo waxgaradkoodu la kala safteen oo mid walba murrashaxii uu watay geeyey Xisbi gaar ah.
Arrintan, ayaa waxa ay bannaanka u soo saartay in ay meesha ka maqan tahay doorkii Xisbiyada qaran ee ahaa in ay dhisaan guddiyo kala xusha oo kala reebta Murrashaxiinta Xisbigooda, kaas oo uu tilmaamayey hir gelintooda Xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer. Lr. 91/2020.
Xeerkan guud ee Doorashooyinka qodobkiisa 71-aad, ayaa waxa uu ku waajibinayey Xisbiyada qaranka ee Waddani, Kulmiye iyo UCID, in ay dejiyaan xeer-nidaamiyeyaal dhisaya guddida soo xulista Murrashaxiinta Xisbiyada uga qayb galaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka.
Xisbiyada qaranka oo ay ahayd in ay iyagu soo xulaan murrashaxiin aqoon, daacadnimo, xilkas, waayo aragnimo leh oo qaranka iyo bulshada u adeegga, ayaa waxa ay maalmihii u dambeeyey xafladdo u qabanayeen Murrashaxiin ay Beelahoodu tunka u sitaan oo ay sheegeen in ay soo xuleen, aqoontiisana hubaan.