Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Ka Dhacay Deegaanka Buuhoodle.

0
Friday January 22, 2021 - 18:35:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Ka Dhacay Deegaanka Buuhoodle.

    " arinkaasi waxaa hawshiika kujira waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Buuhoodle"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" arinkaasi waxaa hawshiika kujira waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Buuhoodle"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo gurigeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa ka hadlay dil ka dhacay deegaanka Buuhoodle oo lagu dilay nin, lana qaatay xoolo uu watay,sida uu wasiir Qambi ku sheegay waraysi uu siiyay muuqaal baahiyaha HCTV.

 

Wasiirka oo ka hadlay sida uu dilkaasi udhacay ayaa yidhi "Ninkaasi xoolihiisiina waa ladhacay isna waa la dilay, gacan ka horaysay oo nina lagu dhaawacay nina lagu dilay ayaa jirtay, taana waxaa kasii horeeyay nin kaloo maqnaa, fidnadiina way siibalaadhatay, waxaanay yeelatay dhibaato aad iyo aad ubadan, dadwaynaha Gobolkuna wuu ka hadlay, waana arin shaydaan ka shaqaynayo, waxaanan aad ugu wacyi gelinayaa dadwaynaha Buuhoodle in fidmo aan ku eekaanayn qofkii gaystay ay tahay dhibaato adduun, cidii ka qayb qaadata fidnana aanay ilaahay agtiisa wanaag kulahayn”.

 

Wasiirka oo la waydiiyay in la qabtay dadkii dhibka gaystay iyo inkale ayaa ku jawaabay "arinkaasi waxaa hawshiika kujira waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Buuhoodle”       

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office


Loading...
Loading...