Guddiga Kormeerka Facebook Oo Go'aan Ka Gaadhaya Xayiraaddii Lagu Soo Rogay Trump
Shirkadda
Facebook ayaa guddi gaar ah u saartay in uu ka soo tala bixiyo xannibaad ay
dhawaan ku soo rogtay cinwaanka Facebook ee madaxweynihii hore ee Mareykanka
Donald Trump.
Shirkaddani ayaa sanadkii la soo
dhaafay dhistay guddigani oo lagu magacaabo guddiga kormeerka, kaa oo ay
sheegtay inuu yahay mid ka madax-bannaan shirkadda, waxaana shaqadiisu ay tahay
in uu go'aan ka gaaro waxyaabaha muranka dhaliyay ee la xiriira isticmaalka
bogagga Facebook.
Trump oo akoonkiisa Facebook la xayiray 7-dii bishan Janaayo ayaa fursad loo siin doonaa inuu guddigaasi oo shan xubnood ka kooban u gudbiyo bayaan ku saasban in uusan si xun u isticmaalin boggiisa Facebook.
Guddigaasi ayaa dib u eegis ku sameyn
doono arrinta ay shirkaddu u haysato madaxweynahaasi hore ee Mareykanka.
Go'aanka
guddigani ayaa noqonaya mid ay khasab tahay in la fuliyo, waxaana uu sidoo kale
saameyn ku yeelanayaa barta Trump uu ku leeyahay Instagram-ka. Shirkadda
Twitter ayaa horey Trump uga mamnuucday in uu isticmaalo barteeda xiriirka
bulshada.
Kaddib markii taageerayaasha Trump ay xoog ku qabsadeen dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, waxa uu sheegay: "Waxaan rumeysannahay in ay aad u weyn tahay halista ka dhalan karayso in madaxweynaha aan u ogolaanno in uu sii isticmaalo adeeggayaga xilligan lagu jiro."
Shalay oo Khamiis ahayd ayaa shirkadda Facebook waxa ay tiri: "Guddiga Kormeerka ayaa si dhow ula socday dhacdooyinkii ka dhacayay dalka Mareykanka iyo sida ay shirkadda Facebook uga falcelisay dhacdooyinkaasi.
"Go'aanka guddigani ayaa noqonaya mid ay khasab tahay in shirkadda Facebook ay a fuliso, waxaana guddigani uu go'aan ka gaari doonaa in uu laalo iyo in kale go'aankii Trump looga mamnuucay isticmaalka Facebook iyo Instagram."
Trump ayaa fursad loo siinayaa in uu guddigaasi shanta xubnood ka kooban uu ku qanciyo in xayiraaddaasi saaran ay tahay in laga qaado.
Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah ra'iisalwasaarihii hore ee dalka Denmark, Helle Thorning-Schmidt iyo tifaaftirihii hore ee wargeyska the Guardian, Alan Rusbridg
Balse dadka dhaliila guddigani ayaa
sheegaya in uusan lahayn awood uu arrimahaasi ku dhaqan geliyo.
Arrimaha kale ee guddigani ay tahay in uu go'aan ka gaaro ayaa waxaa ka mid ah:
- Sawir laga qaaday qoraal uu Twitter-ka soo dhigay ra'iisalwasaarihii hore ee dalka Maleeshiya, Mahathir Maxamad, kaa oo u qornaa sida tan: "Muslimiintu waxay xaq u leeyihiin in ay caroodaan iyo in ay dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah sababo la xiriira xasuuqyadii uu horey u geystay"
- Sawirrada cannug meyd ah oo dhar xiran, kaa oo lagu xardhay qoraallo luuqadda Burma looga hadlo ah oo la is-weydiinayo sababta Shiinaha looga aargudan la'yahay sidii uu ula dhaqmay Muslimiinta Uighur-ka.
- Hadal la sheegay in laga soo xigtay madixii dacaayadda ee hoggaamiyihii Nazi-ga Jarmalka, Joseph Goebbels.
BBC