Xildhibaan Mahad Salaad Oo Cambaareeyay Hadal Ka Soo Yeedhay Duqa Muqdisho.
Muqdisho (HWN) Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay lagu toogtay Muqdisho.
Mahad Salaad ayaa marka hore cambaareeyey hadal ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in guddoomiyaha uu ku dhintay is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, Xildhibaan mahad ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu kuleeyahay Facebook, oo uqornaa sidan:-
GUDOOMIYE CUMAR FINISHOW CEEB AYAY KUGU TAHAY IN AAD DAMBIILE U KABO GELISO‼
Waxaan cambaareynayaa
hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin
Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar
iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha
falkaas geystay.
Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin. Gudoomiye Cumar na waxaan ugu baaqaynaa in uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas.
Waxaan ku baaqaynaa mar labaad in cadaalada la horkeeno saraakiisha amarka bixiyay iyo askartii fulisay falkaas foosha xun ee lagu qaarajiyay Gudoomiye Cabdixakiin.
Hon. Mahad Salad