Cabdikariin Axmed Mooge Oo Shaaciyay Xisbiga Uu Iska Sharaxayo.
Hargaysa (HWN) Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa shaaciyey in uu iska soo sharixi doono Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Doorashada Golaha Deeganka, ee lagu wado inay Somalilad ka dhacdo Sanadkan aynu ku jirno.
Cabdikariin ayaa sidaasi maanta ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargaysa.
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu la kulmay saddexda Xisbiga qaran oo uu kala hadlay inuu iska sharaxo xisbiyadooda balse uu ugu danbayn go'aan ku gaadhay inuu ka tartamo Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay in ay dhici karto in qaar ka mid ah taageerayashiisu kaga hadho xisbiga uu iska sharaxay.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka mid ah murashixiinta ugu cad cad ee Bulshada Caasimada Hargaysa ay hadal hayso.
Hadhwanaagnews
Hargaysa/Office