Isma Dorin Faqashti Duntiyo, Daartii Kaw Galay, Duqii Horedirkiisii, Ayuunba, Degay Rugtiisiiye

0
Thursday January 21, 2021 - 10:33:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isma Dorin Faqashti Duntiyo, Daartii Kaw Galay, Duqii Horedirkiisii, Ayuunba, Degay Rugtiisiiye

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.[A.S.C.W.R.W.B],

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

   ISMA DORIN FAQASHTI DUNTIYO,DAARTI KAW GALAY,    

   DUQII HORE DIRKIISII AYUUNBA,DEGAY RUGTIISIIYE,

   KAAGA DARANE DUULBU WATAA,DIIDAN JIRITAANKA,

   DOONAAYA INAY DOOGSADAAN,DAKHARADI GAADHAY.

   HAYEESHEE DABKEEDU HA BA’EE,DOQONI WAA MOOG,

   DERISIYO WALAALAANU NAHAY,DUNIDA GAADHSIIYE,

   DABINADAY U QOOLEENA GALYOO,DAAYACNIMADIISE,

   DABKO LAGU GURAABA KA DHAW,DOORASHIYO FOOKA.

   DAGAAL LOOMA BAAHNIYO,WUXU EEDAY DEGELKEENU,

   KALA DANAYSI WEEYAAN ADUUN,LAYSU DUURXULAYO,

   DIBLOOMAASI BAY DOONAYSAA,DUNIDA QAAR RAACO,

   DAHABKA IYO BAATROOLKA IYO,DIHINTAN KUU AASAN.

   DAWLADAHANA QAAR DOONAYOON,DIIDAHAYN BADANE,

   DEGDEGIYO DADAAL BAY RABTAA,DAACADNIMO SOOCAN,

   DOCQUDHO U WADA JEESATAAN,KALA DANBAYN KHAASA,

   ISKA DOORTA GUDAHIINA,INTANAY DOORASHADA GAADHIN,

   DIFAAC ADAGNA YEESHO,ISKA JIRA CADAWGA SOO DUULAY,

   DOORASHO HADDII AAN LA HELINOY,DOORKAN DHICIWEYDO,

   DAWLADNIMO DIB LOO RAADIYIYO,QARANBA DUUFOOWYE,

   DALKU WUU HAGGAAGIYE GALOO,DOORASHADA BUUXSHA.

   WAA DARDAARAN AAN XAMAR U DIRAY,DAAYIN GARANSII.

                                                   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...