Waabad Qudhintee Saw Ma Qaawanid Maxaad Qarisaa ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday January 21, 2021 - 10:17:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waabad Qudhintee Saw Ma Qaawanid Maxaad Qarisaa ( Abdi-Shotaly).

    N.B Runta Ribataay, Beeni Raad Ma Leh, Kaamanay Rayn!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Runta Ribataay, Beeni Raad Ma Leh, Kaamanay Rayn!

Marka hore waxan Rabbi inooga baryayaa, in uu ina hareer mariyo balaayoo-yinka dhacaaya iyo cuduradda wareegaaya, meel aad joog-taan iyo wakhti aad ku jirtaan-ba. Intaas dabadeed, waxan akhristaw maanta u soo qalin qaatay, qaar wax ku qora qaybta fekeredaha ( Comments-ka) Ee shebekadda war-baahinta Hadhwanaagnews. kuwaas oo ka fog xaqiiq-dda ka taagan Maamulka " Xaafad-tooyadda" ee Hargeysa uu ku walaaqdo askariga jaho wareersani, iskuna maaweeliya been, khiyaali iyaka oo dhinac ka raran, waxay ku taagera-yaan askari-gana aynu isla wadda garanayno. Hadaba ugu horayn waa iga su'aale, ma wax inoo kala qarsoon baa jira? Oo aynu ku murano ama isku qabsano, maxaynu isugu dabaal-joogtay-naynaa ee aynu runta isugu sheegi la'nahay? Ma waxad iga dhaadhi-cinaysaan, oo aan idinka dhegaystaa " Maamulka ka amar ku taag-leeya Guriggii Moorgan" Waa mid ummadda dhex u ah oo dalka dacad u ah? Idinka oo ku barbar taagan  Khalad kaste oo uu ku kaco. Aan soo koobo waxad ku garab siinay-saan, ee ah qaska uu ka samaynaayo wadanka, ee ka jawaaba arimahan soo socdda miyaanay dhab ahayn. inta aad ka baxdaan kiis iska waalka:-



(a) Miyaanu ahayn ka markuu afka kala qaado-ba, cantra-baqashka iyo caydda ula dhaqaaqa Goboladda bari, isaga oo aan wax uu yahay jirin haba yaraatee.


(b) Miyaanu askariga aad siddii illahay ugu caabuday-saan, isku xaafad-baanu ka soo jeednaa ahayn, kii Markuu ka soo noqday Keligii taliyaha seediga u ah, ee uu mar kaste "Fijaanadda Muqmadda ah" u sii walwaallo, ka hadlaayey Tuuladda " Agabar", ee  lahaa ilayn waa wax aan lagu soo dhawaane" Doorashaddii waxay noqotay reero" reerkii laga adkaaday, dhulka baa la jiid-jiiday, laga xarago-qaatay, oo habla-hoodda la guursan maayo" Sidaas baad weliba ku amaanaysaan, waar wax isku fala oo la aamusa badhaacinta aad ku soo malmaluuq-daan "Qaybta fekradaha" ee Hadhwanaagnews" waa Comments-ka'e.


(c) Miyaanu ahayn kii si cad u sheegtay in uu yahay " Caaqil reereed" beeneeyey wixii uu ku andacoon jirey ee aanu meela u soo marin, waxaas oo ahaa " Mujaahidnimo iyo madax-weyne".


(d) Miyaanu ahayn waxan aad u nacaminay-saan ee qalbi-camadda qabaa ( Waa raggii ma adigaa ka hadhaye), kii $25 milyan ka soo qaatay Ceelkii biyaha ahaa ee Saylac, kaas oo uu u soo saxeexay Ka mareexaan ee hor-joogaha ka ah Muqdisho ( waa waxa aad somaliya ugu yeedho'e) ee  uu siiyey Inaga Geelle Basalka Jabuuti, Lacag-taasna qayb kaga galay, Wershaddii uu ka qaaday " Ahmed Geelle Arab" ( The share that he took from pepsi-Colla Company of Djabuti, owned by the dictator Of Djabuti)


(e) Miyaanu ahayn ka ummadda kala dhex dhigay Siyaasadda qabyaaladaysan ( Clan politics), ee ku shaqeeya qaybi o xukun ( Divide & Rule).


(f) Miyaanu ahayn ka wiil-kiisa weyn ee Mohamed, ka mudo saddex sano guda-hood ah, ka ku noqday ka ugu taajirsan, marka la isku daro dhamaan, wadanadda inagu xeeran, ee kala ah Jabuuti, Somaliya, Kiiniya, Itoobiya makhluuqa ku nool oo dhan.


(g) Miyaanu ahayn wiilka yar ee uu dhalay, oo ah kii uu xidigaha ku tolaayey, dhawaan, ka hadda kaantroola Xaafad-tooyadda ( The one who controls Morgan's House) Waxa ka baxata iyo waxa soo gelaya, ee noqday " Maslaxii Ina Af-weyne. Muwaadin lama soo koobi karo waalidda askarigay, u sujuudaan kuwa dabadda u ruxaa.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan. Kuwa is leh wax asturaw " Waabad qudhun-teene maxaa idiin qarsoon" Bal u fiirsadda, madaxddii hore ee ina soo martay mid-na lama arki jirin caruur-toodda, kana waa ay barbar yaacayaan, oo kala boobka iyo hantidda ummadda ee la haraayuu-baayo baa loo xil saaray-ba. Si wacan baad uga dheregsan-tihiin, oo caad inagama saarna iyana, beelaha la isku diraayo, cuqdadda uu ka qabo beelo gaar ah, colaadda googoysay uur-ku-jirta, dhulka maatadda laga qaadaayo, ilayn  wax kale-ba xukunka umuu boobayne. Waa kuwii ay cadeeyeen " Qabyo-Tire iyo Maxamuud Xaashi" Ee ay yidhaah-deen waxan u adeegsanay Awood dawladeed" Sidaas baana aanu xukunka ku saarnay. Sidaas daraadeed kuwa aan sare ku soo sheegayaw, ma wax aad dhab-dhabtaan baa idiin hadhay, saw islama ogin waxa xeedhadda salkeedda ku jira. Horaa loo yidhi " Sakaaro xaar la arkaayo, bay aas-aastaaye" Inta aad xaq daradda iyo qudhunka banafaaya ummadda u dedeysaan, ilaahay ka baqa, oo qabta askarigan aad ku daba ordaysaan baabi'inta dalka iyo dadka. Kaas oo tirtiray distoorkii dalka u yaalay, imikana cadaystay in uu yahay "Caaqil" Ilayn awel-ba waa ku naqaanay, in ay qabyaaladi kala wareejisaye. Aniga ma gaadhay-saan kaba-hayga,waayo waxan u doodayaa " Cadaalad, sinaan, wadda jir, wax wadda lahaansho" loo siman yahay, oo aan lagu kala soocin bari iyo galbeed, reer hebel, la ilaaliyo hantidda ummadda, la taageero dan yarta oo wax loo qabto. Idina waad ka soo hor jeedaan inta aan sare ku soo sheegay-ba, ee keenee baa Rabbi ka baqaaya? Ma idinka mise aniga? Kala fadhiista ummadda aad beenta ku lugoynay-saan.

* N.B Runta Ribataay, Beeni Raad Ma Leh, Kaamanay Rayn!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...